Somaliland : Gaadhi Ambulance Ah Oo Hayadda UNFPA Ugu Tallo Gashay Cusbitaalka Hargeysa Oo La Lunsaday Lana Garan La Yahay Meel Uu Jaan Iyo Cidhib Dhigay Ilaa Hadda + SAWIRRO

0
1420
Wakiilka Ha’yada (UNFPA) u fadhiya Somaliland Mr. Nikolai Botev oo ku wareejinaya furaha gaadhigaas wasiiru dowlaha wasaarada caafimaadka: Photo File

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gaadhi cusub oo noociisu yahay hard-top Ambulance ah, ayaa la waayey meel alla meel uu ku sugan yahay muddo haatan laga joogo 32-maalmood,  kaasoo ay dadka jabbaan deeqdaasi ay ugu soo marisay Ha’yadda Sanduuqada Dadweynaha Qaramada Midoobay ee loo yaqaano  United Nations Population Fund (UNFPA) oo ku wareejisay Wasaarada caafimaadka jamhuuriyada somaliland, 9 bishii April- 2017-ka.

Waxa ay dadka jabaan gaadhigan ambulanceka ah ugu tallo-galeen qaybta umulaha cusbitaalka guud ee Hargeysa, kana soo qaado degmooyinka hooyooyinka dhalaya ee ay hayntoodu yar tahay, isla-markaana loo badbaadiyo hooyooyinka u dhinta umul aroorka dadlka Jamhuuriyada Somaliland.

Wakiilka Ha’yada  (UNFPA) u fadhiya Somaliland Mr. Nikolai Botev ayaa ku wareejisay furaha gaadhigaas wasiiru dowlaha wasaarada caafimaadka mudane. Maxamuud Aadan Jama, kaasoo isla-goobtaas oo ahayd qaybta kaydka  daawada ee (Asbiima) ku sii wareejiyey ku simaha agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Faysa Axmed Ibraahim.

Halkan ka eeg tixraac xaqiijinta warkan War-bixintii ay ka soo saartay Ha’yada UNFPA:

Dhinaca kale, sida ay noo xaqiijiyeen shaqaale ka tirsan waaxda kaydka daawada ee wasaarada caafimaadka, waxa ay noo sheegeen in gaadhigaasi uu ka kaxeeyey goobtaas, Agaasimihii hore ee wasaarada caafimaadka, Cusmaan Xuseen Warsame, kaasoo ku xareeyey gaadhigaas guri ay leedahay Agaasimaha waaxda Qorsheynta ee wasaarada Caafimaadka oo markaasi ahayd ku simaha agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka, gaadhigaas oo illaa iyo hadda aana lahayn meel uu ku sugan yahay, isla-markaana, aan lagu wareejinin  Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Dhanka kalena, si aanu u xaqiijino arrintaas ayaan noo suura galin in aanu helno masuuliyiinta wasaarada caafimaadka, ka dib markii aan garaacnay tele-phone’da gacanta lagu qaato ee ay sitaan oo xidhnaa, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintaas, sida Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiiru dowlaha wasaarada Caafimaadka iyo Agaasimaha cusbitaalka guud dhamaantoodba waa uu  xidhnaa telefoonkooda gacantu.

Gabagabadiina arrintan ayaa fadeexad ku noqonaysa wakhti xaadirkan madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhawaan ku dhawaaqay in la illaaliyo hantida qaranka maadaama lagalayo doorashooyin, si aanay u dhicin takri fal iyo xatooyo hantida qaranka mudada lagu jiro kala wareega xukuumada, ayaan haddana dhag jalaq loo siinin.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here