Somaliland Faahfaahin Ku Saabsan Dagaalka Ciidanka Qaranka Kula Wareeggay Saax-dheer

0
984

BREAKING-NEWS-LOGO-3Hargeysa,(HargeisaPress) — Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa saaka ku waabariistay Degmada Saax-dheer oo mudooyinkii u dambeeyay fadhiisin u ahayd Kooxda Cali Khaliif.

Ciidanka ayaa halkaasi ka Eryay Maleeshiyada Kooxda iyo sidoo kale Dadkii ka qayb gali lahaa Caleemo Saarka Cali Khaliif oo Saaka loogu balansanaa Magaaladaasi.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya Khasaaraha dagaalka, haseyeeshee Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa si kooban uga hadlay khaasaraha dhinaca Somaliland “Laba askari way naga geeriyootay laba kalena way naga dhaawacantay, anigoon waxbeena ku darayn, ninka maqani gurigiisa ayuu ka maqanyahay ee waa la ogaan,”ayuu yidhi Taliye Shaqale.

Warar Madaxbanaan ayaa sheegaya in dhaawaca dhinaca Somaliland yahay 5 Askari dhimashaduna laba Askari. waxa sidoo kale la sheegay in Sagaal Maxaabiis ah la soo gaadhsiiyay Laascaanood, iyadoo la sheegayo inay ku jiraan Siyaasiyiin Caan ah. 4 Gaadhi oo laba ka mid ah Qoryo saaran yihiin labada kalena Laanguruusal yihiin ayaa sidoo kale laga qabtay Kooxda Cali Khaliif.

Dhinaca Kale war rasmi ah lagama hayo meel ay ku sugan yihiin Cali Khaliif iyo Wufuudii Ka qayb galaysay Caleemo saarka Cali Khaliif Galaydh, hase ahaatee wararka laga helayo Buuhoodle ayaa sheegaya in halkaasi dhaawac la gaadhsiiyay, islamarkaana dhimasho jirto dhinaca Maleeshiyada Cali Khaliif.

Wararka ayaa sheegaya inaan subaxnimadii hore ee saaka ka dib wax dagaal ahi ka dhicin degaamada Saax-dheer haddana ay gaaf wareegayaan Ciidanka Qaranka Somaliland

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa u jeedadiisu la xidhiidhaa inuu baajiyo Caleemo saar lagu waday in Cali Khaliif Lagu Caleemo Saaro Saaxdheer ka dib markii dodobaad ka hor loo doortay hogaamiyaha Kooxda Khaatumo.

ilaa hadda war rasmi ah lagama hayo Kooxda Khaatumo iyo wufuud Caleemo saar ka ka qayb galilahayd balse waxay wararku sheegayaan inay dhinaca Itoobiya u talaabeen.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here