Somaliland: Dadweynaha Hargeysa Siday u Arkeen geeridii Saado Cali Warsame

0
1620

saado cali war sameHargeysa,(HargeisaPress) — Marxuumad Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd fanaaniinta Safka hore fankeegu kaga jiro deegaanada dhulka Soomaalida, isla markaana wakhtigan xaadirka ah ka tirsanayd Baarlamaanka dawladda Federaalka Somalia, ayaa shalay aas qaran loogu sameeyey magaaladda Muqdisho ka dib markii koox dabley ahi rasaas ku dileen.

Dadweynaha Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa ayaa si weyn looga dareemay geeridaasi, waxaana goobaha la iskugu yimaado lagu hadal hayey qaabka foosha xun ee loo dilay iyo taariikhdii fankeeda, waxaad arkaysay dadkoo iska waraysanayey taariikhdii fankeedda, isla markaana jeclaysanayey in looga sheekeeyo taariikhda weyn ee ay ku lahayd fanka Soomaalidda.

“Waa fanaanad muddo gaaban ku soo caanbaxday, waxaana bartay 1978 iyadoo muddo yar ku jirtay fanka,waxaana ku bartay Tiyaatirkii Hargeysa oo aan in badan kala qaybgali jiray fankeedda,waxay lahayd cod macaan oo soo jiidasho leh, waxaana ahaa dadka sida weyn u xiiseyn jiray fankeedda”ayuu yidhi Axmed Xasan Jaandi oo ka sheekeenayey Fanka Saado Cali

Allaha u naxariista Saado Cali waxay ku jirtay foolaadka fanka soomaalida kuwo loogu jecel yahay ee heesaheedu duugoobin, isla markaana ay mar walba ka hadlaan nolosha iyo marxadda la marayo, iyadoo ka mid ahayd fanaaniinta faro ku tiriska ah ee mar walba ka hor yimaadda dulmiga iyo kalitanimadda cidnaba aan ka ogolaan inay dulmi sameeyaan.

Dadweynaha Somaliland ayaa aaminsan inay Saado Cali Warsame ahayd fanaanad ka dhiidhiday wakhtigii nidaamkii kalitaliska Maxamed Siyaad Bare cadaadidska ku hayey goboladda Waqooyiga ee imika loo yaqaan Somaliland., taas oo af iyo adinka kaga hadashay wixii dhacay, isla markaana ay shacabka Somaliland abaal weyn ugu hayeen taageeraddaasi iyo Heesihii ay arrintaasi ka qaadayba.

Inkastoo si adag uga hortimid xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo Rayaalaba, oo ay qaaday heeso ay ku dhaliilayso Madaxweyne Siilaanyo, hadana waa muwaadinad fikirkeeda ku soo bandhigi karta qaab kasta oo ay ku dhaliili karto hadba hogaanka ay u aragto inuu dhaiil leeyahay.

Marxuumad Saado waxay ahayd hal abuur, suugaan yahay ku darsatay cod macaan iyo muuqaal soo jeedasho leh, isla markaana ku darsatay ka qoslinta dadka iyo qaabka loo matalo Riwaayadaha.

Marxuumad Saado waxay ka mid ahayd dumarka Tiradda yar ee ka qaybqaadatay silsiladdii geyiga Somaalidda caanka ka noqotay ee Deellley, taas oo hal abuur faro badan oo dunidda daafada kala joogay iskugu hal celinayeen iyagoo marka ka hadlayey dareenka taagnaa iyo nidaamkii jiray sida uu wax u waddo.

Sidoo kale, Waxa kale oo ay aktarad weyn ka ahayd Riwaayadii “Land-kuruusar gado, oo soo bari galey” taas oo uu aad uga cadhooday xukuumadi wakhtigasi jirtay taas oo la sheegay in arrintaasi darteed xabsi u gashay.

Aragtidda Marxuum Saado Cali Warsame ka qabtay Somaliland:

Geeridda Marxuumad Saado Cali Warsame waxa bogaga hore ee jaraa’idka madaxa banaan lagu soo daabacay taariikhdeedii iyo kaalinti ay fanka Soomaalida kaga jirtay

Wariye Maxamed Aamin Jibriil oo ka tirsan wargeyska Saxafi ee Hargeysa ka soo baxay ayaa soo daabacay waraysi uu sanadkii hore magaaladda Muqdisho kula yeeshay Xildhibaanada Saado Cali oo wakhtigaasi ku kulmeen madaxtooyadda Soomaaliya.

Marxuumad Saado Cali Warsame oo wakhtiga uu weriyuhu kula kulmay Muqdisho ka tirsanayd guddida xuquuqal-insaanka Baarlamaanka Somalia, waxay u sheegtay in aanay qof ahaan necbayn Somaliland, balse ay saluugsan tahay siyaasadda xukuumadda Somaliland ee ku aadan gobolka Sool, waxaanay iyadoo arrintaas ka hadlaysa tidhi: “Maaha in dadka aan hubaysnayn loo adeegsado ciidan, balse waxay ahayd inay siyaasiyiinta ka wakiilka ah ee gobolka kaga jira xukuumadda ka dhaadhiciyaan siyaasadda madax banaanida Somaliland taasina waxay ahayd shaqada dawladda. Hase yeeshee marka ciidankii loogu talo-galay inay ka ilaaliyaan cadowga loo adeegsado shacabka, waxay keenaysaa inay wax walbaaba sii murgaan dabadeedna dadka shacabka ahi is-hubiyaan, isla markaana dhiig aan loo baahnayn daato. Laakiin waa inaan cidna ciidan loo adeegsan oo aan la khasbin. Weligay ogolaan maayo dulmi, waxaanan dulmigaas hore uga diiday Siyaad Barre, maanta ka ogolaan maayo Somaliland in dad shacab ah ciidan loo adeegsado oo dhiig Soomaaliyeed la daadiyo, balse waa in si nabadgelyo ah lagu dhameeyo khilaafka, hoosna loo eego dadku waxa ay doonayaan, dadkuna waa walaalo’e ee lays qanciyo oo ay siyaasiyiintu hormood ka noqdaan sidii laysku qancin lahaa. ”

Alle ha u naxariistee Saado Cali Warsame waxa kale oo ay waraysigaasi kaga warantay shaqsiyadeeda iyo xidhiidhka bulsho ee ay la leedahay Somaliland, waxaanay tidhi: “Anigu waxaan ahay reer Sheekh Madar (waa Wadaaddii Aasaasay magaaladda Hargeysa), waxaanan ka tirsan nahay Xerta Sheekh Cumar, dadka reer Somaliland-na anigu waan isku deldelay, Halkan aynu joogno ee Madaxtooyada Somalia-na dadka reer Somaliland [ee Muqdisho jooga] waxay noqdaan ayaan la ahaan doonaa.”

Saado Cali Warsame mar ay ka hadlaysay xil-gudashada xilka Xildhibaannimo ee ay ka haysay Baarlamaanka Somalia, waxay sheegtay inaan si fiican loo gudan karin waajibaadka shaqada Baarlamaanka dawladda Somalia, isla markaana dadka talada dawladda haya arrimahooda aan lagaga hadlin karin halkaas, gaar ahaan kuwa xuquuqal-insaanka, sababtoo ah bay tidhi waxa dhici karta kufsiga oo markaas lagaga hadlayay kulan ay ka qayb-gelaysay oo ka dhacayay Madaxtooyada Somalia uu geli karo xataa xubno ka tirsan dawladda Somalia.

Wariyuhu mar uu waydiiyey in mucaaradda ay xukuumadda Somaliland ku tahay loo arki karo in Somaliland necebtahay waxay tidhi “Yaa yidhi Saado ayaa neceb Somaliland, dhiigayga ayaa ah Somaliland, qoladan aanu deegaanka wadaagno ayuunbay qardoofo yari na dhexmartaye, shalay, maanta iyo beriba waan jecelahay Somaliland.”

Marxuumad Saado Cali Warsame ayaa ka mid ahayd dadka ka soo jeedda Somaliland ee aan ku qanacsanayn gooni isku taagga Somaliland, balse aaminsanayd mabda’a Soomaali weyn iyo in la isku keeno shanta Soomaaliyeed.

Allaha u naxariisto marxuumad Saado Iilkana necow udgoon iyo ha ku siiyo Naruuro, wakhti fiican ayey godgashay iyado lagu jiro tobankii dambe Ramadaan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY