Somaliland: Carwada Nabada ee Farshaxanka iyo Fimilmada oo Hargeysa ka furantay iyo Fanaaniinta sanadka ka soo qayb-galaya +SAWIRRO

0
1125

Hargeysa, (HargeisaPress) — Carwada Geediga Nabadda ee Farshaxanka iyo Filimada ayaa furitaankeeda lagaga dhawaaqay Maanta Hudheelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa.

Bandhig Carweedkan oo ay soo qaban qaabisay Kow Media Group oo kaashanaysa Hay’addaha Irix iyo EU-da, ayaa socon doonta muddo laba maalmood oo lagu soo bandhigi doono Filimo iyo sawiro ay ku tartamayaan Farshaxano, Sawir qaadeyaal iyo filimsameeyayaal ka soo qayb galay Carwada.

Carwada Nabada ee Farshaxanka 1

Carwadan oo beri si rasmiya u furmi doonta, ayaa waxa maanta laga shaaciyay qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay iyo dadka ka soo qayb-gelaya, iyadoo maanta ilaa beri loogu talo galay  in la qiimeeyo waxyaabaha ay tartameyaashu kaga qayb gelayaan, si loo kala saaro, isla markaana tartameyaasha guulaysta abaal marin loo siiyo.

Carwada Nabada ee Farshaxanka 3

Sidaasna waxa Munaasibada shaacinta Carwada kaga dhawaaqay Maareeyaha Guud ee Shirkadda KMC Cabdilaahi Axmed Cabdilaahi, “ maanta waxaanu ugu talo galnay inaanu bulshada u shaacino waxyaabaha kala duwan ee carwadan lagu soo bandhigayo. Waxa inala jooga oo sanadkan inagala soo qayb galay Fanaaniin badan, Khubaro ajaanib iyo wadani isugu jira oo ilaa beri qiimeyn doona tartmeyaasha”. Ayuu yidhi Cabdilaahi.

Fanaaniinta Carwada ka qayb qaadanaya ee halkaasi ku soo bandhigaya Heesaha iyo Majaajilada kale ee ka turjumaysa nabada waxa ka mid ah Kooxda Geediga Nabad, Cabdi-qaboojiye, Halwad iyo fanaaniin kale oo waaweyn, kuwaasoo ka soo qayb-gelayaasha masrixiyad faneed xiiso badan u gudbin doona, isla markaana furitaankii maanta door weyn ku lahaa.

Barmaamujkan oo looga gol-leeyahay in bulshada lagu baraarujiyo nabad-gelyada iyo kaalinta ay ku leedahay horumarkan, laguna dhiiri-gelinayo hal abuurnimada farshaxanka, Sawir qaadista iyo Filim samaynta, ayaa sanadkii 2012-kii lagu qabtay magaalada Hargeysa, iyadoo bandhiga sanadkanise ka balaadhanyahay sanadihii hore, marka la eego baaxada qaybaha uu ka  koobanyahay iyo Abaalmarinaha tartameyaasha loogu talo galay.

Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale
Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale

Agaasimaha Barmaamujyada ee Kow Media Corp Cabdilaahi Faarah oo isna sii faah-faahiyay bandhig carweedkan, ayaa dul-istaagay ujeedada laga leeyahay.

“Ujeedada ugu way nee maanta la qabanayaa waxa weeyaan tartankii Sawirada Gacanta ayaa la qiimayanaa, kaasi oo ay qiimayn doonaan Gudi Khubaro ah oo ah Seddex nin oo Dibada inooga yimid iyo seddex inaga ah.” Ayuu yidhi Cabdilaahi

Fanaanada wayn ee Sahra Halgan oo ka soo qayb gashay munaasibada loogu gogol-xaadhay furitaanka Carwadan ayaa ammaan balaadhan u jeedisay hay’addaha soo qabanqaabiyey iyo cid kasta oo gacan ka geysatay, waxaanay tilmaantay in dhaqanka iyo farshanku aasaas u yihiin yegleelida nabad-gelyada.

Carwada Nabada ee Farshaxanka 2

“waxaan aad ugu farax san ahay inaan ka soo qayb galo Bandhiga Nabada, waxaan leeyahay waa in fanka iyo Suugaanta la xoojiyo waayo waa waxa kaliya ee aad ku arkayso Dadfaraxsan oo qoslaya, Fanka iyo farshaxanku waa waxa ugu qaalisan waxa ay umadi haysato markaa waxaan leeyahay hadii aynu is qiimaynanana waa layna qiimayni hadii kale dadkeenu meel fogbuu ku dhaqaaqay”ayey tidhi Sahra Halgan.

Waxa kale oo ka hadlay xaflada Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale, kaasoo ku dheeraaday muhiimada hal-abuurnimada iyo baraarujinta noocan, bulshadana ugu baaqay inay ka qayb qaataan bandhigyada noocan ah, si loo dhiiri geliyo muhindisiinta soo kacaya.

Waxaanu yidhi “Waxaan halkan ka Hambalyeynayaa Kow Media oo Xafladan soo qaban qaabisay, oo u wanqalay Nabada iyo farshaxanka, Nabadu wax iska Jira uun maaha Somalidu waxay tidhaahdaa Nabadbaa naas la nuugo leh, markaynu sidaa leenahay macneheedu waxay inoogu sawiran tahay Neef xoolo ah oo aynu maalayno, laakiin Neefkani Caano laga maali maayo hadii la daajinwaayo oo la xanaanayn waayo”.

Boobe yuusuf Ducaale oo hadalkiis sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray “Maanta waxa Hargaysa Amaan iyo Bogaadin ugu filan inaynu ku tartamayno Sawir Gacmeed, oo aynu gacan iyo camerad ba ugu tar tamayno tii taagnayd iyo tii dhaqaaqaysayba ee Daawashada ahayd, waanu soo dhawaynaynaa” ayuu ku soo gabo gabeeyey.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here