“SOMALILAND CAALAMKA AYAA U BAAHAN” Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

0
1114

Hargeysa, (HargeisaPress) –Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in beesha caalamku ay u baahan tahay qaranka Somaliland, marka la eego meesha ay juquraafi ahaan kaga taallo adduunka iyo sida ay ugu qayb qaadatay la dagaalka aragagixisada, budhcad badeeda iyo tahriibka.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo gurigiisa kula hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in la gaadhay xilligii ay jamhuuriyadda Somaliland ka faa’idaysan lahayd fursadaha isa soo taraya ee ugu imanaya beesha caalamka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Qaabilada dan ayaa timid waayo haddii aanay tani jirin sidii aan awelba laynoo tebi jirin ayeynu u maqnaan lahayn, laakiin maanta fursad badan baa taala , fursadan waxa aan u baahanahay in xukuumad ahaan iyo shacab ahaan ba laga wada shaqeeyo, sidii looga faa’idaysan lahaa oo indhaha beesha caalamka loo soo jiidan lahaa, wixii dalka maalgelin ku samaynaayana si sharaf iyo karaamo leh loola macaamilo, loona soo dhaweeyo”

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in waddamada dunidu ay maanta u baahan yihiin Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliland caalamka u baahan ee iyadu uma baahna. Sababta oo ah meesha ay juquraafi ahaan ku taal marka la eego iyada ayaa loo baahan yahay. Waxaanan beesha caalamka ku kasbanaynaa in ay umadda jaarkeena ah nabad kula noolaano, beesha caalamku way garwaaqsan tahay meesha aynu degannahay iyo qiimaha aynu ku leenahay, waanu imaan doonaa yoolka iyo hiigsiga aynu leenahay.”

Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo sharraxaad ka bixinaaya sababaha keenay in beesha caalamku uu maanta Somaliland il gaar ah ku soo eego ayaa yidhi “Somaliland waxa ay leedahay siddeed boqol iyo dheeraad Km oo bad ah, inta dhib laga qaylinaayey Soomaaliya, hal shil oo baddeena ka dhacay ma jiro, kama dhaco baddeena ka tahriibku, aragagixiso dalkeenu ma leh, waxyaabaha noqday afooyinka dabiiciga ah sida aragagixisada, budhacad badeeda iyo tahriibka waxaasa oo dhan waa waxyaabo caalami ah, waxanan ka qaadanay qaybta ugu badan.

Arrintaasi waxa ay keeni doonta in beesha caalamku runta u soo jeesato oo Somaliland la aqoonsado, in aan laga maarmayn in Somaliland jamhuuriyad noqoto, si ay u xoojiso hawshaa ay qabtay libaax ka qaadatay, iyada oo aan aqoonsi ka haysan beesha caalamka.”

D

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here