“Somaliland Ahaan Nabad Kasta Oo Ku Soo Korodha Geeska Waanu Soo Dhawaynaynaa”

0
815
The Foreign Minister Dr. Saad Ali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay xiisada iyo is  bedelka Siyaasadeed ee ka bilaabay Wadamada Geeska Afrika, gaar ahaan walaaca Jabuuti ay ka qabto heshiiska Itoobiya iyo Alatariya, iyo hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Farmaajo, ee uu ku codsaday in Alatariya laga qaado cuna qabatayna dhinaca Hubka, waxayna Xukuumadda Somaliland, in mawqifkeedu yahay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ka dhex taagan Mandaqada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Dimuqraadiyada, Ictiraaf raadinta iyo qodobadii ka soo baxay Shirkii Ceel-afweyn, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Itoobiya iyo Ereteriya oo kale, inaguna ma odhan karno Ereteriya ayeynu la soconaa , mana odhan karno  Caalamku ha  jabiyo cuna qabataynta hubka ee saaran,  beri baa la heshiin karayaa, adigaana gooni u baxaaya,inagu Somaliland ahaan nabad kasta oo ku soo korodha geeska weynu soo dhaweeynaynaa, Somaliland waxay u taagan tahay nabad iyo horumar, dagaal, qas xumaan iyo colada midna uma taagnin, cidii ay wax dhex maraana, waxaanu jece lahay in si nabadgalyo leh oo walaaltinimo leh waxooda ku dhamaystaan, mawqifkeenuna waxa weeye inaynu Wadamada aynu jaarka nahay iyo kuwa kale ee Caalamkaba inaynu si fiican ula macaamilno, wixii horumar ah ee ku soo kordha madnaqadana weynu soo dhaweeynaynaa”.

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Dimuqraadiyada ayaa yidhi “Somaliland waa dal Dimuqraadiya, oo ay ka dhaceen Doorashooyin dhawra, oo dadku iskood ugu coddeeyeen hadba cida ay rabaan, 27 sanno ee aynu xoriyadeenii dib ugula soo noqonay Somaliya horumar lixaad leh oo dhinaca geedi socodka  Dimuqraadiyada ayeynu gaadhnay, maanta waxa qudha ee aynu Caalamka martida ugu nahay waa Ictiraaf, maxa yeelay shuruud kasta oo lagu xidho Ictiraaf weynu buuxinay, markaas insha allaah Ictiraafkuna wuu iman doonaa, dadaalkiisina weynu wadnaa”.

LEAVE A REPLY