Somaliland: 120 Macallin loo soo Xidhay Tababar ku Saabsan HIV/AIDS iyo Baahida loo Qabo Wacyigelin Ardayda laga Siiyo Xannuunkan + SAWIRRO

0
1236

Hargeisa, (HargeisaPress) — Tababar muhiim ah oo la xidhiidha kor-u-qaadida wacyigelinta xannuunka halista ah ee AIDS-ka, ayaa loo soo gabogabeeyye 120 macallin oo ka mid ah kuwa wax ka dhiga dugsiyada waxbarashada dawladda ee dalka.

Tababarkan oo muddo saddex maalmood ah ka socday huteelka Summer Time ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay maalgelintiisa bixisay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA, isla markaana uu fulinayey ururka waddaniga ah ee HYDA, ayaa 120 macallin oo ka kala socday dugsiyada dawladda ee gobollada dalka lagu siiyey duruus la xidhiidha xannuunka AIDS si ay khatartiisa wacyigelin uga siiyaan ardayda ay waxbaraan.

hyda3

Xalfad loo sameeyey xidhitaankii tababarkaasi shalay waxa ka qaybgalay Agaasimaha Komishanka Qaranka ee la-dagaallanka AIDS-ka Prof. Cabdi Cali Jaamac iyo masuuliyiin ka kala socotay hay’adaha UNFPA iyo HYDA, kuwaas oo u jeediyey macallimiinta hadallo isugu jira dardaaran iyo tilmaamo ku saabsan sida loo kobcin karo wacyigelinta xannuunkan iyo kuwa kale faafa.

Agaasimaha ururka waddaniga ah ee HYDA Mr. Khaalid Aadan Cabdi oo ugu horreyn ka hadlay halkaasi, ayaa ku hambalyeeyey macallimiinta dadaalka ay muujiyeen muddadii tababarku u socday, isagoo soo dhaweeyey talooyin kala duwan oo ay soo jeediyeen iyaga iyo 80 macallin oo hore loo siiyey tababar noocan ah.

“Tababarkan oo ujeeddadiisu tahay in macallinku ka horreeyo ardayga oo la kordhiyo aqoontiisa la xidhiidha xannuunka HIV/AIDS-ka, waxaannu ku dadaalaynaa sida aad soo jeediseen in tababarku gobol walba ku fido, waayo macallimiinta waxbarashada ee dalku waa dhawr kun, annaguna iminka waxaannu tababarnay 120 macallin, waxaannuna rajaynaynaa in tirada la kordhiyo,” ayuu yidhi Agaasimaha HYDA Mr. Khaalid Aadan.

hyda 2

Dr. Aadan Haybe Faarax oo ka socday hay’adda UNFPA ee maalgelisay tababarkan iyo buugga laga diyaariyey wacyigelinta AIDS-ka, ayaa faahfaahiyey ujeeddada ay u bartilmaameedsadeen macallimiinta, waxaannu yidhi, “Shaqada aad haysaan aad bay u ballaadhantahay, ardayda aad haysaan waa xooggii dalka, waa xilliga ay dhallinyaradu wax walba isku dayaan, ka Sigaarka baranayaa waa waqtiga uu dugsiga hoose/dhexe ka baxayo, ka warwareegga kale baranayaa waa halka uu ka soo bilaabo ama isku tijaabiyo. Markaa waddankaa dhan carruurtiisa marka gacantiina la soo geliyo masuuliyad wayn ayaa idin saaran, marka la arko ardayga yar leexleexda waxa la yidhaa xaggee ayuu ka yimi, dugsigee ayuu ka soo baxay?”

“Waxa buugga ku yaal aad bay u fara badan yihiin, waana wixii hore ugu jiray diinteenna iyo dhaqankeennaba, laakiin haddana la yidhi dib ha la isku soo xasuusiyo, waxaannuna rajaynaynaa in masuuliyaddaasi aad qaadeen Alle idiin fududeeyo oo aad u sii gudbisaan ardayda,” ayuu yidhi Dr. Aadan Haybe.

Ugu dambayntii Agaasimaha Komishanka heer Qaran ee La-dagaallanka xannuunka AIDS-ka (SOLNAC) Prof. Cabdi Cali Jaamac oo soo xidhay tababarkaasi, ayaa ku ammaanay hay’adda UNFPA iyo ururka waddaniga ah ee HYDA dadaalka ay galiyeen diyaarinta iyo abaabulka tababarka la siiyey macallimiinta iyo weliba duruusta lagu siiyey.

Waxa kale oo uu xusay kaalinta ku leeyihiin wacyigelinta AIDS-ka iyo waxa ay ka rajaynayaan macallimiinta tababarka qaatay, waxaannu yidhi, “Komishanka la-dagaallanka xannuunka AIDS-ka ahaan annaga ayaa diyaarinay buuggan ku saabsan wacyigelinta HIV/AIDS-ka ee aad halkan ku qaadateen, aadna waan ugu faraxsanahay sidaad uga faa’iidaysateen, codsiga aad soo jeediseen ee ah in Afsoomaali loo beddelo waanu isla qaadanay oo hawsheedu waa diyaar.”

“Waxaan idinku dhiirigelinayaa in casharradii aad halkan ka faa’iidaysateen goobihii shaqada iyo ardayda gaadhsiisaan oo aad siisaan macluumaad badan oo la xidhiidha xannuunkan.”

Dhinaca kale, xubno ka mid ah macallimiinta tababarka qaatay oo ka hadlay aragtidooda duruusta la siiyey, ayaa soo dhaweeyey muhiimada tababarku lahaa oo ay sheegeen in casharrada lagu bixinayey lahaayeen faa’iidooyin waawayn, waxaanay soo jeediyeen tallooyin lagu kordhiyo dadaalka wacyigelinta AIDS-ka oo ay ka mid ahaayeen; in gobollada dalka oo dhan la gaadhsiiyo tababarrada noocan ah oo waqti ku dheeraad la siiyo iyo in buugga laga diyaariyey xannuunkan loo turjumo luuqadda Afsoomaaliga si cid waliba u fahanto. Sidoo kale, sidoo kale, waxay wasaaradda Waxbarashada u soo jeediyeen in wacyigelinta xannuunada khatarta ah sida HIV/AIDS-ka lagu daro manhajka waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa sare ee dalka.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here