Somalia; Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Jidka isku Xira Muqdisho iyo Afgooye + SAWIRRO

0
961

muqdisho qaraxMuqdisho,(HargeisaPress) — Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay soddomeeyo qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye gaar ahaan inta u dhexeysa Xaawo Cabdi iyo Ceelasha Biyaha.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari yar oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo lagu bartilmaameedsaday sida ay goobjoogayaashu sheegeen gaadiid ay askar AMISOM ah wateen oo waddadaas marayay.

“Waxaa dhacay qarax weyn oo khasaare badan geystay, waxaana gubtay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee caasiga loo yaqaan oo gobol ka yimid kuna socday Muqdisho, gaari kalena oo caasi ahna khasaare ayaa gaaray,” ayay tidhi gabar ka mid ah dadka ku nool meel ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Goobjoogahan ayaa sheegtay inay arkeen laba askari oo AMISOM ka tirsan oo qaraxaas ay kasoo gaareen dhaawacyo, iyadoo gabadhan xustay in ruuxna uu ka badbaadin gaarigii uu qaraxu haleelay.

“Baabuurka oo dhan wuu gubtay, dadkii saarnaa oo mayd ah ayaana laga dajinayaa hadda, waddada oo dhan waa la xiray, maydadkana waa la kala garan la’ayahay,” ayay gabadhan hadalkeeda ku dartay.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ismiidaaminta ah ayaa waxay qaarkood ahaayeen kuwo ka ag-dhawaa halkaas, kuwaasoo qaar ka mid ah la sheegay inay xaaladdoodu daran tahay, waxaana qaraxan uu kusoo beegmayaa xilli dowladdu ay ka digtay weerarro ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho.

Ciidamada AMISOM oo gaadiidkooda qaraxa lala bartilmaameedsaday ayaan ka hadlin weli qaraxa iyo khasaaraha kazoo gaartay, waxaase qaraxu uu ahaa mid xooggan oo laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here