Somalia Oo Shirkaddaha Somaliland Shidaalka Ka Baadhaya Ugu Hanjabtay Inay ka Dacwaynayso Golaha Amaanka

0
801

Oil_Gas_Somalia660HargeisaPress — Dawladda Somalia ayaa Shirkadda Somaliland ka baadhaya Shidaalka Eedayn u jeedisay, gaar ahaana Shirkadda laga leeyahay Norway ee DNO. Somalia waxay sheegtay inay Curyaaminayso dadaalka amaanka Somalia dib loogu soo celinayo.Wasiirka Tamarta ee Somalia ayaa maanta u sheegay Wakaalada wararka Reuters in Somalia Dacwad ka gudbin doonto Shirkaddahaasi.

Wasiirka ayaa Shirkaddaha Shidaal Sahaminta ku eedeeyay inay heshiis ku galayaan meelo ka hor 1991-kii heshiisyo lagula galay shirkaddo kale. Waxa uu sheegay inay Wakiilada Shiraddaha Exxon Mobil, Conoco Phillips, Chevron, iyo BP dhawaan kulan la yeesheen, shirkaddahan oo Somalia heshiisyo la galay ka hor 1991, balse hadda ay Somaliland shirkaddaha kale siinayso Liisankeeda.

“Shirkadduhu waxay saxeexayaan Heshiisyo is-dulsaaran, iyagoo u halgamaya sidii ay Maamul Goboleedyada ula shaqayn lahaayeen” ayuu yidhi Wasiirka Tamarta Somalia

Wasiirku waxa uu Shirkaddaha ku eedeeyay hagar daamaynta Amaanka Somalia waxaanu yidhi “Kombaniyadan yaryari waxay curyaaminayaan dalka, waxayna burburinayaan dadaalka Bulshada caalamku ku dhisayso nabada iyo deganaanshaha”

Wasiirka Tamarta Somalia waxa uu Reuters u sheegay inay Dacweyn doonaan Shirkaddaha Shidaal Baadhista “ Waxaanu ugu digaynaa Shirkaddahaas in Dawladda Somalia Cabasho uga gudbin doonto Waddamada ay ka soo jeedaan iyo Golaha Amaanka Qaramada midoobay” ayuu yidhi Wasiirku.

Warbixinta Reuters waxaa lagu sheegay inaan wasiirku wax Caddayn ah soo bandhigin marka laga reebo Hadalkiisa Eedaynta ah.

Wakaaladda Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in Shirkadda DNO ka jawaabi wayday Telefono iyo Email-lo ay u direen si ay uga jawaabto Eedan.

Eedaynta Somalia ayaa u muuqata Talaabo kale oo diblamaasiyadeed oo ay ku curyaaminayso Xidhiidhka Somaliland iyo Wadamada ama Shirkaddahaha Shidaalka.

Somalia ayaa loolan dhinaca xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland la leedahay Caalamka kula jirta, iyadoo hore u fara galisay Deeqaha waxbarasho, badda iyo Hawada Somaliland.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here