SOLLA Oo Dastuur Jebin Ku Tilmaamay Xadhiga Xildhibaan Dhakool

0
979

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Ururka qareenadda Somalilan ee magaciisa loo soo gaabiyo SOLLA ayaa sharci darro ku tilmaamay xadhiga xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland oo ay todobaadkii hore ciidamada boolisku xiheen.

Waxaanay SOLLA xadhiga xildhibaanka ku tilmaameen mid mid xad-gudub ku ah dastuurka qaranka, isla markana ah meesha lagaga saaray xasaanadii uu dastuurka qaranku siiyay xildhibaanada golaha Wakiilada iyo goleyaasha kale-ba.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay caawa soo saareen ururka qareenadda Somaliland, kaasoo ay sioo kale ku xuseen in xukuumadda madaxweyne Biixi muddadii ay xilka haysay ay si qaawan oo badheedh ah ugu tumatay dastuurka dalka iyo qawaaniinta kale.

 

Waxa kaloo lagu sheegay in ay wel-wel iyo walaac weyn ka qabaan dastuur jebinta ay boolisku sameeyeen iyagoo dhacdadaasina ku tilmaamay mid ugub ku ah Somaliland, isla markaana aan hore uga dhicin dalka.

 

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

Txr: SOLLA/01CHAIR/RLFL/#38/2018                                                 13/5/ 2019

War-saxafeed Ururka Qarenada SOLLA

Ururka qarenada Somaliland waxa uu maanta oo tarikhdu tahay 13/5/2019 war-saxafadeedkiisan kaga hadlaya Xadhiga qayra dastuuriga ah ee lagu xidhay xildhibaan ka tirsan golaha Wakiilada JSL ‘’Dhakool’’ xadhigan oo ah mid xad-gudub ku ah dastuurka qaran islamarkana ah meesha lagaga saaray xasaanadii uu dasturka qaranku siiyey Xildhibaanada Golaha wakiilada iyo goleyaasha kaleba waana arin ugub ah oo aanay Somaliland hore uga dhicin laf-jabna ku ah hanaanka dimuqraadiyadeed e dowladnimada JSL.

Ururka qareenadu wuxu war-war iyo walaac wayn ka muujinaya jabintaanada dasturka qaran iyo ku dhaqan la’aanta sharciga e caadada iyo dhaqanka u noqday xukumada manta e Madaxwayne Muse Biixi Cabdi.

Taasi oo aanay xukumadani muddadii ay xilka haysay ay si qaawan oo badheedh ah ugu tumatay dasturka dalka iyo qawaaniinta kaleba gaar ahaan qodobada la xidhiidha xuquuqda xadhiga muwaadiniinta reer –Somaliland gabi ahaanbana meesha ka saartay xuquuqaha dastuuriga ah e ku xusan Qod. 25, 26,27,28,24,29 e dasturka qaranka taasi oo gabi ahaanba muwaadiniinta la xidhay muddadan labada sanno ee dhaw dhaw ah.

Aan qofna xadhigiisa loo marin nidaam sharci balse loo xidho muwaadiniinta qaab qayra sharci ah oo ah in habenimo guryaha loogu taado iyada oo aan la haysan waaran qabasho iyo waaran guri galid midna iyada oo uu dasturka qaran Qodobkiisa 29 aad tilmaamayo inaan guryaha muwaadniinta la gali karin la baadhi karin ilaa uu jiro amar garsoore awood u lihi soo saaray oo sababaysan isla markan waxa wajib ku ah ciidanka booliska inay u akhriyan waaranka guri galida una dhiiban sidoo kale sida uu tilmaamayo Qod.25 xubintiisa  2aad.

Waxay tilmaamaysa inaan qofna la qaban karin la xidhi karin ila uu jiro amar garsoore awood u lehi ku soo saaray qabashadiisa ama aan isla waqtiga lagu qaban isaga oo danbi faraha kula jira haddaba waxa jirta inaan qabashada xildhibanka loo haysan waaran qabasho iyo waaran guri galid midna sidoo kale waxa jirta inaan qabashada xildhibanka loo marin nidaamka uu tilmaamayo Qod.49 faraqadiisa 3aad.

Waxay caddaynaysa inaan xildhibanka la baadhi karin la waraysan karin sababo baadhitan , la xidhi karin ilaa ogolaansho laga helo golaha wakiilada e uu ka tirsanyahay sidoo kale qodobkan dasturka e 49 xubintiisa 4 aad waxay caddaynaysa inaan xildhibanka sinaba loo qaban karin ila ogolaansho laga helo golaha waxaanay booliska JSL jabiyen oo ay si badheedh ah ugu tunteen dasturki qaranka JSL gaar ahan qod,29,25,27,49,79 dhamanba qodobadan waxa loo jabiyey xadhiga xildhibanka.

Haddaba su’aashu waxa weeyi marka qodob dasturi ah la jabiyo maxa ciqaab ah e ka dhalan karta ama talaabo sharci e ku haboon cida jabisa qodob dasturi ah sida ay tilaamayan qodobada dasturiga ah e kala ah 25 xarafkiisa 3 aad oo u dhigan sidan Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha ciqaab ayaana ka dhalanaysa ku xad-gudubkooda Sidoo kale sida ku cad Qod, 27 xarafkiisa 9 aad oo sheegaya in ciqaab lagu mutaysan karo jabinta iyo ku xad-gudubka xuquuqaha la xidhiidha xoriyadka iyo xadhiga sidoo kale Qod.24 xubintisa 4aad wuxu waajibinaya in si deg deg ah oo daahid la’aan ah loo fuliyo ciqabta ka dhalatay ku xad-gudubka xuquuqda xadhiga iyo xoriyadaka muwaadininta

Qodobadani waxay caddaynaya in dowladu masuul ka tahay dhowrida ilaalinta xuquuqaha dastuuriga ah e la xidhiidha xadhiga iyo xoriyadka qofka sidoo kale qodobadani waxay caddaynaya in dowladu masuul ka tahay waajib sharcina ka saaranyahay cid kasta oo ku gafta jabisa qodobadan dasturiga e kala 24,25;26,27,28.29 masuuliyada ilaalinta iyo ciqaab marinta ku xad-gudubkoodaba waxa uu dastuurku waajib kaga dhigay dowlada oo ah golaha xukumada e Madaxwaynaha iyo wasiirada

Haddaba waxa cad in ay booliska JSL ay ku xad-guduben xuquuqdii xadhiga iyo xoriyada muwadiniinta sidoo waxay ku xad-gudben xuquuqdii dhowrsananta xildhibanada e ku xusan Qod.49,79 e dasturka qaranka sidoo kale waxa cad in booliska jabiyen 8 qodob oo dasturi ah oo kala ah 24,25,26,27,28,29,49,79.

Waxaa dastuurka qaranku waajibiyeyin jabinta ,ku xad-gudubka dastuurka ay ka dhalanayso masuuliyad daro iyo ku xad-gudub dastur cid kasta oo ku xad-gudubta ama jabisa dasturka qarankuna waxay mutaysanaysa xilka qaadis iyo ciqaab danbi intaba  sida uu  tilmaamayo Qod. 96 xubintiisa kowaad xarafkiisa T sidoo kale waxa uu qodobka 37 xubintiisa kowaad waajib sharci kaga dhigaysa xukumada inay ku dhaqanto dasturka qarankan JSL .

Waxa cad in xadhiga xildhiban la geeyey Maxkamada gobolka Hargeisa kana codsaden boolisku Maxkamada inay u xalaaleeyan xadhiga xildhanka taasi oo aanay Maxkamada Gobolku sharci ahan aanay awood u lahayn oo xildhibanada iyo wasiiradaba waxa dacwooda la gaynaya Maxkamada sare e caddalada balse lama gaynayo Maxkamada gobolka mana qaadi karto waxaanay boolisku ku xad-gudben haddana Qod.79.96 ee dasturka qaranka oo caddaynaya Maxkamada la gaynayo dacwada xildhibanada iyo wasiirada.

Taasoo ay gabi ahaanba booliska JSL ay meeshaba ka sareen dasturkii qarankani ku dhisna iyo ujeedadii ay u aas-aasnaayen booliska qaranka JSL oo ahayd fulinta dasturka qaranka balse waxay u eegtahay in booliska JSL qabtan shaqo ka duwan tii dasturku faray iyo ujeedadii loo aas-aasay e qaranku uga danta lahaa waxaana tilmaamaya shaqada booliska Qod.124 e dasturka qaran Jsl.

Xadhiga xildhibanka waxa diiday oo ka jawaabtay oo caddaysay inuu sharci daro yahay Maxkamada gobolka Hargeisa xadhigii booliskana ka diiday kana hadashay inay sharci daro tahay, sidoo kale waxa xadhiga xildhibanka diiday oo ka soo saaray go’aan sharci ah guddida joogtada ah e golaha wakiilada oo tilmaamay in xadhiga xildhibanka qaabka loo maray ay qayra dastuuri tahay sidoo kale waxa ka hadlay xadhiga xildhibanka garyaqaano ka tirsan ururka qarenada Somaliland.

Waxaana nasiib daro iyo ku talo gal ay xukumadu ku talo gashay jabinta dasturka ah in ilaa hada uu xildhibankii xidhanyahay oo ay xukumadu ku adkaysanayso jabinta dasturka islamarkana ay xukumadu ku taageerayso booliska jabinta iyo ku tumashada dasturka qaranka JSL cidkasta oo jabisa dasturka qarankanina waxay mutaysanaysa xil ka qaadis iyo ciqaab sida uu caddaynayo dasturka qaranku e Qod.96 xarafka T.

Haddaba ururka qarenada Somaliland waxa uu cod dheer ku cambaaraynayaa habka loo maray xadhiga xildhibanka iyo jabinta dasturka qaranka e ay xukumadu caadaysatay waxaanan ku baaqayna

  • In xukumadu sharciga iyo ku dhaqanka dasturka u soo noqoto islamarkana la xisaabtanto booliska JSL e jabiyey dasturka qarankani ku dhisanyahay haddii kale waa in goleyaasha sharci dajintu kula xisaabtaman xukumada jabinta dasturka si aan loo caadaysan ku xad-gudubka dasturka qaranka
  • Waxaanu ku baaqayna in xildhibanka loo celiyo xoriyadiisa si deg deg ah ciddi xadhigan qayra dastuuriga ah ku xidhayna talaabo sharci laga qaado
  • Waxaanu ku war-galinayna xukumada JSL in ay ixtiraamto dasturka qaranka e ay ku dhisantahay oo aanay ku adkaysan jabinta dasturka e aad moodo inay ku adkaysanayan hadda
  • Waxaanu ugu baaqayna ugu danbayn in hayadaha dowlada ,goleyasha qaranka ,Madaxwaynaha in la fuliyo ku dhaqanka dasturka qaranka  oo la iskula xisaabtamo waana ta kaliya jiritanka qarankani ku dhisnaanayo ummada reer Somaliland lagu hogaamin karo

 

                       Allah    Mohad    Leh

                Mohamed Mohamoud  Hashi———-

Guddomiyaha Ururka qarenada Somaliland SOLLA

LEAVE A REPLY