Socdaalkii Hay,adda Shaqaalaha Buuhoodle iyo Badhan Maxaa uga dambeyn Doona Dhaqdhaqaaqa Socdaalka Masuuliyiinta Dawllada Somaliland

0
1481
gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda MD Sharmaarke Axmed Muxumed PHOTO FILE:

Hargeysa,(HargeisaPress) —Toddobaadkii u dambeeyay kadib markii,lasoo gunaanaday Tirakoobka Shaqaalaha Somaliland,oo Hay,ada Shaqaaluhu ka wadey guud ahaanba Gobolada dalka Somaliland,waxa siweyn usoo jiitey Bulshada Soo dhaweyntii Suldaanka Guud ee Beesha Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire kusoo dhaweeyay  sooryo iyo soo dhaweyn Maamuus leh Xarunta Gobolka Badhan ee Degmada Badhan Gudoomiyaha Hay,ada Shaqaalaha Somaliland Sharmaarke Axmed Maxamuud iyo hawlwadeenadii la socdey,oo ay kamid ahaayeen Maxamed Asad Dhugad,oo Komishanka Hay,ada Shaqaalahha katirsan iyo Xubno kale oo tira badan.

Hawlaglkii Hay,adda Shaqaaluhu ku tira koobaysey Shaqaalaha Somaliland,oo aheyd hawl dhaqdhaqaaqeedu ka muuqdey Guud ahaanba Gobolada Dalka Toddobaadyadii u dambeeyay,iyaddoo mashruucani ahaa mid laga soo shaqeeyay mudo dheer islamarkaana, si toos ah ula jaanqaadey,isbadelkii labada Xukuumadood ee lakala wareegay talada dalka Somaliland,taas oo xadhiga loo sii daayey dedaalka Saraakiisha Hay,ada Shaqaaluhu ku waajaheen bilawgii,Tijaabadii iyo dhameystirkii iyo Guud ahaanba macluumaadka ku xidhiidhsan,oo Baanka Aduunku qeyb ka ahaa.

Gudoomiyaha Hay,adda Shaqaalaha Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed Geele,ayaa doorkiisa siweyn uga dhex muuqdey Hawshan uu gadhwadeenka ka ahaa taas oo Warbaahinta uu si joogta ah xogwaran uga siin jirey hawsha Tirakoobka Hay,ada Shaqaaluhu halka ay mareyso,iyo Gobol kasta sida ay hawshaasi ugu socoto,iyadoo guud ahaanba Warbaahinta Somaliland laf ahaanteedu ka qeyb qaadatey Mashrrucaasi,taas oo ku suurta gashey kalsoonida uu u muujiyey ee uu kaga warbixiyey Gobol kasta iyo goob kasta, haseyeeshee,waxey mar kale hawsha tirakoobku kor u kacdey islamarkaana, ay soo jiiteen indhaha Shacabka Somaliland,Xukuumadda,iyo Hay,addo badan oo Caalami ah oo ku sugan Somaliland kadib markii ay kulan qiime badan ku qaateen Badhan Gudoomiyaha iyo Hawlwadeenada lasocdey,iyo Suldaanka Guud ee Beesha Warsangali oo kamid ah Saldanaddaha ugu facaweyn Somaliland talaabadan oo xiisa galin,dhiiragalin iyo baraarug u noqotey qaar kamid ah Shaqaalaha Weynaha dalka Somaliland ee diiwaangalinta loo bilaabey qaarkood oo fasax kaga maqnaa hawshaasi iyo Tirakoobka.

“Caawin iyo Cod ayyaanu idiin nahhey Shaqaalaha Caawin ayaanu u nahey idinkana, cod ayyaanu idiin nahey si aanu Bulshada u gaadhsiino dareenkiina”

Sikasta oo ay tahey,waxa Xiligan siweyn la isku weydiinayaa,sumcad intee leeg ayey ku kasbatey Hay,adda Shaqaaluhu hawshaasi Mashruuca tirakoobka Shaqaalaha ee ay xataa gaadhsiiyeen Gobolada Sanaag/Bari iyo Buuhoodle oo inta badan Cadaalad darro ka tirsada Somaliland iyo Maamulkeeda,iyaddoo siweyn isha loogu hayo,in Hay,adda Shaqaaluhu ibo fur u noqn doonto Maamul daadajin halkaa laga hirgaliyo wallow Hay,addaha Caalamiga ahi Warbixino fiican ka diyaariyeen haba noqdaan kuwa Somaliland jooga ama hanoqdaan kuwa dhinaca Puntand jooga,waxaana suurtagal ah in Talaabada ay kusoo tira koobeen shaqaalaha Somaliland ee ku sugan Badhan iyo Buuhoodle in ay Gobolada Sool iyo Sanaag u furi doonto Mashruucii GBLGa ee ay mudada badan ka xanibnaayeen.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY