“SNM waxaa ku jiray Kaaderiyiintii ugu fir-fircoonaa ee Siyaad Barre”…

0
984

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha xisbiga  UCID  ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in qorshe laga yeesho sidii horumar siyaasadeed oo aqoon ku dhisan ay Somaliland u yeelan lahayd.

Waxaanu tilmaamay in haddii aanay ummadi ka faa’iidaysan khaladaadkii hore ee ay gashay, isla markaana aan qorshe dejisan oo cilmiyaysan laga yeelan hadba sida xaalka siyaasadeed in bulshadaasi ay si fudud ku bur-buri karto.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan aqooneed ay soo qaban qaabisay dalladda ururadda aan dawliga ahayn ee Somaliland ee loo soo gaabiyo SONSAF oo cinwaankeedu ahaa doodda aqoon yahanka (academic debate), oo lagu qabtay  Hargaysa.

Waxa kaloo uu tilmaamay guddoomiyaha UCID  in xiligii ay dalka soo gashay jabhadii SNM, isla markaana ay dhacday xukuumadii Siyaad Barre  in SNM ay  ku dedaaleen sidii ay Somaliland uga bad-baadin lahaayeen in dagaal sokeeye ka dhaco.

“SNM waxaa ku jiray saraakiishii ugu fiicnaa ciidankii Soomaaliya. Waxaa ku jiray raggii ugu tacliinta badnaa, ugu na fir-fircoonaa Kaadirkii Maxamed Siyaad Barre. SNM toban sanadood ayaa jirtay markii ay wadanka qabsadeen, hadana waxay yimaadeen iyadoo aanay hay’ado dawladeed dhisnayn oo dadku beel-beel yahay.

Markii Siyaad Barre dhacay, waxaa timid in bur-bur iyo kala guur dhaco (Vacuum), kadibna dagaal sokeeye dhaco”ayuu yidhi Eng. Faysal.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Haddii aanu qofku khaladaadkiisii hore ka faa’iidaysan, mustaqbalkiisu wuxuu gelayaa mugdi.

Si aan taa uga baxsano,  maanta maalin aynu ka tacliin badan nahay ma jirto, maalin aan ka waddaado badan nahay ma jirto, maalin aan ka suldaanno badan nahay ma jirto, maalin aan ka arday badan nahay ma jirto, hada-na tayadeenu ma fiicna.

Maxay u dhici wayday? Markaa waxaan u baahan nahay in aan u lafo-gurno si cilmiyaysan oo aan ka soo saarno tallooyin fiic-fiican”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here