Siyaasiga Cali Cismaan Libaax Oo Naqdiyey Khudbadii M.Siilaanyo Ee 18-may Uu Jeediyay

0
1112
Kelmda Xus macnaheedu waa Taariikh ama Geedi socod la soo maray lagana waramaayo dhacdooyinkii laga soo gudbey waxaan is leeyahay dad badan oo ka tirsan Shacbiga reer Somaliland kamay eegeyn Axmed Siilaanyo oo ah M/Weynihii afraad ee Somaliland yeelato inuu Qudbad sidaa u liidata u soo gudbiyo. waa Afar iyo Labaatan Guuradii ka soo wareegtey Maalintii lagu dhawaaqay Gooni isu taaga JSL’ Waa 18kii Bisha May 2015′ Axmed Siilaanyo wuxuu Qudbadiisii ka bilaabay Maalintuu Talada Dalka la wareegey waxaana hadaladiisii ka mid ahaa. Waxaanu la wareegney Khasnado madhan’ qudbadiina wuxuu ururiyey mudadii uu xilka hayey Axmed Siilaanyo wuxuu afkiisa ka ilaaliyey inuu Xabaasha ku xuso AHN Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa M/Weynihii dalka xoreeyey Axmed Siilaanyo waxa kaloo uu isagana diidey inuu Xabaasha ku xuso afkiisana soo mariyo AHN Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal oo ahaa M/Weynihii inoo sameeyey Hanaanka iyo Nidaamka Dawlad-nimo ee aynu ku degenahay Axmed Siilaanyo wuxuu inkirey oo uu iska diidey inuu soo hadal qaado M/Weynihii dimuqraadiyada ee inoo Hir-geliyey Nidaamka Asxaabta Badan’ iyo doorashooyinka oo ahaa M/Weynihii isaga ku wareejiyey Qasriga Madaxtooyada iyo goobta uu ka hadlayey Mudane Daahir Reyaale Kaahin. Hadaba akhriste ma la odhan kara Axmed Siilaanyo waa qof xaqiir ah? ama ma lagu tilmaami karaa Qof aan jecleyn inuu arko Qof kale oo isaga ka wanaagsan? Waxaan leeyahay Axmed Siilaanyo wuxuu sameeyey waa arin aad u xun oo dhamaanteen la odhan karo isma dhaamaan hadaba waxaan u soo jeedin lahaa Madaxda soo socota cidii ILLAAHAY gaadhsiiyo inay Xusaan Madaxdii ka horeysey oo aanay Xaasid noqon sida Axmed Siilaanyo “Xaashee Nin Libin Kaa Xistiyey Xumihii Waa Yaab’
Qalinkii Cali Cismaan Libaax (Mujaahid Cali Xaraaro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here