Siyaasi Maxamed Cabdi iskeerse oo goordhawd ku geeriyooday Cusbitaalka weyn ee Hargaysa

0
863

Hargeysa, (HargeisaPress) —Allaha ha u naxariistee waxa goordhawayd xusbitaalka guud ee magaalad hargaysa ku geeriyooday SIyaasi Maxamed Cabdi iskeerse oo mudo 8 bilood ah u jiifay xanuun ka hayay wadnaha iyo sambabada.

 

Marxuun Siyaasi Iskaarse muddo badan ayuu xanuun dhanka wadnaha ah u jiifay cusbitaalka magaalada hargeysa  isaga oo ay ku adkayd neefsashadu.

 

Siyaasi Iskaarse ayaa wax aka mid ahaa siyaasiyiinta waa wayn ee wakhti xaadirka ka tirsan KULMIYE isaga oo halgan dheerna lasoo galay KULMIYE wakhtiigii uu mucaaradka ahaa, waxaanu xilal kala duwan kasoo qabtay dawladii marxuun Madaxwayne Cigaal.

 

Marxuum Maxamed Cabid iskeerse ayaaa haa wasiirkii hore ee ganacsiga dawladii hore ee Marxuum Xaaji Maxamed ibraahim Cigaal,isagoo markii danbana ahaa saraakiishii xisbiga kulmiye wakhtiyadii uu mucaardika ahaa.

…………………………………………………

Dhamaan Bahda Shabakadda HargeisaPress.com  waxay tacsi u dirayaan dhamaan qoyska iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku, rabbi janadiisi haka waraabiyo aamiin. Marxuum Maxamed Cabid iskeerse.

 

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here