Siyaasi Cali Guray oo Idaacada Radio Hargaysa Iyo Telefishanka Qaranka Ku Dhaliilay Diyaarin la’aanta Barnaamijyo ka waramaya Xornimadii 1960-kii

0
202

Siyaasi Cali Guray oo Idaacada Radio Hargaysa Iyo Telefishanka Qaranka Ku Dhaliilay Diyaarin la’aanta Barnaamijyo ka waramaya Xornimadii 1960-kii

‘’’Bini aadmigu hadaanu curin lahayn kama duwana mishiin markaa mishiinku hadaan lagu shaqayn ma shaqeeyo’’

 

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa ku dhaliilay Maamulka Idaacada Radio Hargaysa iyo Telefishanka Qaranka Somaliland in aanay ka soo bixin kaalintii kaga beegnayd Xuska 58 Guurada ka soo wareegtay Markii ay Jamhuuriyadda Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii.

Cali Guray ayaa Qoraal uu ku faafiyey barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu ku Yidhi:-

Ah! waxan nacay Idaacadda iyo TVga Qaranka ee Somaliland. Waa waxa intaa ay jireen aan si hagar la’aan ah dadka uga haqab tirin xusuusta taariikhdii 60kii. Iska daa wax kale eh caawa (Xalay) oo kale ma waxay garan waayeen Xamar heesihii Walaalo Hargeysa hadii ay badh ku dabaaldegeen idinkuna dhinaca kale dadkiina wax ka tusa oo barnaamijyo taxane ah ka diyaariya. Waar ma waxay garan waayeen wax kaleba iska daayoo heestii Xuseen Aw Faarax ee

(Allow sahal amuuraha adaa noo aqoonee) Tvga iyo Idaacadaba ka saara. Dadka Somaliland maxaa loogu bedelay kalgacalkii iyo wanaagii iyo jacaylkii ay u qabeen midnimo soomaaliyeed ee wax walba ay u hureen. Saw inta lala yaabay dad aan waxba doonayn inta laga soo qaaday SOOMAALI QALDAAN lama odhan. Abaalka iyo wanaaga loo galo dar aan geyin baa sidaas ah. Ilaa maanta ayaanay xumaan mooyee wanaag waxba ku lahayn oo caqligoodu yahay kaalay sidii hore ayaa fiicnayde.

Saxardiid Maxamed maalin BBCdu wax ka waydiisay habeenkii calanka la saarayay heesihii munaasibadda loogu talogalay markuu sedex heesood oo isaga, iyo Xuseen Aw Faarax, iyo Cali Sugulle ay kala lahaayeen sheegay ayuu weriyihi waydiiyay ” hadda midnimadii ka waran? Wuxu ugu jawaabay 61lii baan sheegay. Oo maxaad ka tidhi?

ADOO GURI BARWAAQA AH

GEEL DHALAY KU HAYSTA

GEEDI LAMA LALABO OO

ABAAR LOOMA GUUREE

ANIGAYSU GWYSTOO

GALABSADAY XUMAANTEE

WIXII ILA GARAADOW

GOBANIMO HA TUURINA

Waa sanadguuradii koobaad eh ka warran. Sanad ka horena waa kii lahaa

MAANTAY CURATOOY

MATAANO DHASHEE

AAN MAALO HASHEENA MAANDEEQ

Ee lahaa;

KADEEDKII KA BAXNOO

KULMIYAA LA SUDHEE

SOOMAALAAY KULIGIIN

KADABAA DHEHA EEY

Kas daradooda lixdan sanadood baa ka soo warwegtay weli ismay waydiinin waar maxaa qaldamay ee sanad keliya intaa kala wareejiyay dadkii iyagu soomaalininadaba isu fideeyay ee qaranimadoodii u loogay? Imay waydiinin mana laha garashadii ay isku waydiin lahaayeen? Laakiin waxa ina hoojisay warbaahinta qaranka ee 27kii sanadood taariikhdii ummaddan oo dhan ka yaqaan 1988kii dayuuradihi Hargeysa garaacay, xasuuqii iyo xabaal-wadareed, iyo qaxii iyo hoogii dhacay een garanayn in wixii lixdankii qaldamay uu waxaas oo dhan sabab u ahaa. Saw markaa dadku inay fahmaan maxaa qaldamay oo dooda laga diyaariyo barnaamijyo laga diyaariyo xataa suugaan faneedka iyaga (Somaliland) ku abtirsada ay dib u wada diiwaangeliyaan oo ay sugaan macluumaadkooda oo dhan mahaa. Nasiibdarrada jirta kuwii goobjooga ahaa ama iyaguba halabuurka heesan lixdankii lahaa ayaa la jooga oo maalinba mid xabaalaha lagu daraa. Hadda kii ugu dambeeyay baa hadhay oo Idaacadda la jooga oo hareeraha laga dhaaf dhaafaa.

 

Oo maxaanse ula yaabi dhalinyarada hawshan aniga iyo dhigayga ayaa baylihiyaye ,Waar ma dadka maalin kasta uu Saxadiid Maxamed dhex joogo een wax ay kala hadheen jirin 27 sanadood. Waa ninkii lahaa heesta calanka lagu saaray labiyo tobankii habeenimo iyo hal daqiiqo. Gudida qabanqaabada waxa gudoomiye ee Munaasibadda calan saarka waxa gudoomiye u ahaa Cumar Carte Qaalib. Labada nin uu tooska ula hadlayna waxay ahaayeen Ismaaciil Maxamed iyo Saxardiidkan nool. Halkii iyagoo wada fadhiya ayuu Saxdiid yidhi horta labadeena adna hees keen aniguna mid aan keeno. Sidaa ayuu Ismaciil Ku keenay Waa Mahad Allee Madaxeen Banaan Saxadiidna Aan Maalo Hasheena Mandeeq intii aan cid kale la gaadhin. Ka dib Xusern Aw Faarax baa keenay Cali Sugulle ayaa keenay. Waar ma maanta ayaa marti in Muqdisho looga noqdo dhaxalkii Walaalo Hargeysa dad aan ehelba u ahayn ay tahay. Soomaali oo dhan Walaalo Hargeysa ayaa ugu horeeysay suugaan faneedka casriga ah iyadoo gabay iyo geeraar uun la yaqaanay. Intay fanka dhib la soo muteen ayaan cid u og iyo cid danaynaysaa aanay jirin. Somali Classics waa helada miyay jirtaa cid soomaaliyeed oo ku haysta ama la wadaagtaa. Weli Idaacad iyo TV qaran oo xataa xusaya magacooda maqasheen.

 

Bini aadmigu hadaanu curin lahayn kama duwana mishiin markaa mishiinku hadaan lagu shaqayn ma shaqeeyo” ayuu Cali Guray Qoraalkiisa ku soo afmeeray.

LEAVE A REPLY