Siyaasada Mikrifoonka iyo Qiirada Xisbiyad Mucaaridka !

0
1345
Samia Muse

 

Doorashadi iyo Abaarti waa lakala qaaday laakin Xisbiyada Mucaaridka iyo Xaflad soo dhaween ah lama kala qaadin ! Go’an laga gaadho yaa garan !

Waxaan ka yaabay Xisbiyada mucaaradku waxay ka cabanayeen in la qabto doorashada xili dalka ay ka jirto abaar baahsani , laakin dhinaca kalena waxay ka wadaan Xaflada soo dhaween ah u Lacaga fara badan lagu qarash gareenayo aan horey loo arkin! Markaa Qiirada Abaartu miyaanay Xisbiyada Mucaaridka saamayen? Go’an laga gaadho yaa garan !

  1. Sannad ka hor markii Diiwaan galinta Xukumadu ku dhawaaqday in la joojiyo Abaarta darteed waa tii Xisbiyada Mucaaradku ay diideen u waliba khilaafku dhex maray !!!
  1. Doorashadi waxa layidhi lama qaban karo waayo dadkii way bakhtiyayaan u dadkii codayn lahaa ee is diiwaan galiyay lama hayo waayo dadkii deegaanaduudi way ka qaxeen !!!

– Hadaba maanta xafladahan soo dhaweenta ah taageerayaasha halkee baa laga soo hela huulalka buux dhaafiyay ?

– Lacagtan kulba lagu qarash gareenayo Xafladaha Mucaaridka maxaa Abaarta loogu taakuleen waayay mise arinkaas Xukuumada ayaa loo dhaafay ?

– Mudda kordhintu waa xeelad Mucaaridku ay doonayaan inay taageero ku helaan laakin marnaba shacabka dhibaataysan uma turayaan …! Go’an laga gaadho yaa garan !

*Somaliland maanta hal Milyon ayaa gaajo iyo biyo la’an u dhimanay , xoolihiina ka dhamaadeen, marka damiirka Xisbiyada Mucaaridku ay Xafladaha ku qabanayaan ay lacagta badani ku baxayso miyaanay ahayen inay dadki ku caawiyaan…! Go’an laga gaadho yaa garan !

*Waxa dhinaca kale Xaflad ay Xisbiyada Mucaaridku ku qabteen Hoteel kuna cadeeyeen ino qarashki ku baxay xafladaas ahaa 20000 $ lacagtaasi waxay anfici lahayed 20000 u qoys hadii biyo iyo cuntaba loogu deeqo !!! Go’an laga gaadho yaa garan !

Markaa Dadkan Abaartu laysay miyaanay ahayen dadkii codka Xisbiyada Mucaaridku ay karabeen ???? Go’an laga gaadho yaa garan !

Xisbiyada Mucaaridku Xafladaha soo dhaweenta waxay ku qabsadeen Hoteeladi waayeena ee Caasimadaha , tolow danyarti codka haysay ay abaaruhu saameeyeen ee ninba meel u qaxay miyaanay cod karabin….. !

Go’an laga gaadho yaa garan !

Samia Muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here