Sirta Ku Duugan Soo Dhoweynta Diirran Ee Siisi Uu Ku Qaabilay Farmaajaha Soomaaliya Iyo Khubaro Lafo-gur Ku Samaysay

0
1643

Qaahira , (HargeisaPress) —Faallo shalay lagu baahiyey degelka Al-Carabi 21 ayaa gorfaysay sirta ku duugan soo dhoweyntii diirranayd ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo kala kulmay Qaahira.

Faalladan oo uu qoray Maxamed Sandibaad ayaa sheegtay in soo dhoweyntaasi ay dhalisay su’aalo la iska weydiinayo ujeedada u qarsoon Masar ee ku waajahan Soomaaliya, waxa aanay soo saartay malaha ah in Masar ay Soomaaliya siinayso taageero Milateri iyo suurtogalnimada in ay weydiisato saldhig milateri oo ujeedadu ay tahay in ay ku cadaadiso dalka Itoobiya oo colaad dhinaca istaraatijiyadda amniga qaranka ahi ka dhexeyso, webiga Niil awgii.

Warbixin ay soo saartay madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in kulankan ay labada madaxweyne ku gorfeeyeen xidhiidhka labadooda dal iyo in madaxweyne Farmaajo uu madaxweynaha Masar uga warramay halka uu marayo xaalka gudaha ee Soomaaliya iyo tallaabooyinka u qorshaysan in xukuumaddiisu ay dib amniga iyo xasiloonida uga soo wada celiso.

Dhinaca kalana danjiraha Soomaaliya u jooga Qaahira oo lagu magacaabo Cabdilqani Maxamed ayaa sheegay in booqashadani ay muhiimad weyn u leedahay dawladdiisa, maadaama oo ay labada dhinac arrimo badan iska afgarteen horumar badanna ka sameeyeen, kuwaas oo uu sheegay in ay ka mid yihiin siyaasadda, Amniga, waxbarashada iyo iskaashi dhinacyo badan leh. Waxa se uu meesha ka saaray in laga wada hadlay wax saldhig ah oo ay Masar ka samaysanayso Soomaaliya, “Labada dhinac kama ay wada hadlin saldhig milateri oo ay Masar ka samaysato Soomaaliya, miiska wada xaajoodkana arrin taas lama keenin”

Soomaaliya iyo amniga qaranka Masar

Ku-xigeenka tifatiraha Al-Ahraam Asma Xusayni oo sida oo kale ku xeeldheer arrimaha Geeska Afrika ayaa mar ay u warrantay Al-Carabi 21 waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay muhiim u tahay amniga qaranka ee dalka Masar iyo dunida Carabta. Dayacaaddii muddada dheer qaadatay ee ay dalalkani Soomaaliya ku sameeyeen muddadii ay dawlad la’aanta ahaydna ay sii kordhisay khatarta ay ku tahay gobalka oo dhan, iyada oo ay ka dhalatay fawdo iyo in argagaxisada iyo budhcad badeeddu faafto, arrimahaas ayaa ay Asma sheegtay in ay saamayn taban ku yeesheen Masar. Laakiin marnaba meesha kama ay saarin in ujeedada Masar ka leedahay xidhiidhka imika ee Soomaaliya ay tahay in ay ku cadaadiso Itoobiya, waxa aana hadalladeeda ka mid ahaa, “Soomaaliya oo cudud lihi waxa ay noqonaysaa xubin isu-dheelli-tiraysa amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika” ayaa ay tidhi Asma Xusayni oo ku dooday in xasiloonida Soomaaliya u baahan tahay in la helo ciidan awood u leh in uu amni keeno. Waxa aanay dalalka deriska la ah Soomaalaiya ku eedaysay in aanay taas jeclaysanayn, “Waxaa diiddan (Ciidan xoog leh in Soomaaliya yeelato), dalalka deriska la’ ah Soomaaliya, ee weliba muran dhuleed ka dhexeeyo.” ayaa ka mid ahaa hadallada haweenaydan ka midka ah madaxda ugu sarraysa Al-Ahraam oo ah shirkad wareed aad u weyn oo ay leedahay dawladda Masar.

Faalladan waxaa lagu sheegay in madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi uu hadda dhex dabbaalanayo mushkilad siyaasi ah, oo ka dhalatay biyo xidheenka ‘Hadasa’ ee dalka Itoobiya oo haatan dhamaystir ku dhow, kadib markii uu hore u saxeexay heshiis saddex geesood ahaa oo dalkiisa iyo Suudaan ay dalka Itoobiya kula gaadheen magaalada Khartuum, laakiin markii dambe dhinaca Masar looga arkay in aanu dan u ahayn Masar, maadaama oo uu meesha ka saarayo heshiisyadii hore ee webiga Niilka oo Masar ay ku heli jirtay saami aad uga badan ka ay heli karaan dalalka la wadaaga webiga ama ay biyihiisu ka soo rogmadaan oo Itoobiya ka mid tahay.

Waxa ay fallaadani sheegtay in ay suurtogal tahay in Masar ay ku hawlan tahay sidii ay saldhig milateri ama ugu yaraan joogitaan milateri ugu yeelan lahayd Soomaaliya, waxa taas shakigeeda sii xoojinayana waxaa ka mid ah hadalka ay madaxtooyada Masar ku sheegtay in kulanka labada madaxweyne lagu soo qaaday in Masar ay gacan ka geysato dhismaha milateriga Soomaaliya, laakiin waa ay adag tahay in ay hadda Soomaaliya ogolaato saldhig Masar ay siiso, xaaladda ay ku jirto ee amni xumo oo khatar sii gelaysa awgeed.

Axmed Cabdalcasiis oo ah qoraa iyo saxafi Faalladan lagu soo qaatay aragtidiisa ayaa sheegay in Masar meelaha ay beegsanayso in ay xidhiidh dhow la samayso, saldhigyo milaterina weydiisataa aanay ku koobnayn Soomaaliya, balse waxaa jira Jabbuuti iyo Ereteriya.

Waxaa arrintan iyaguna si cad uga hadlay khubaro iyo masuuliyiin amniga iyo xidhiidhada Masar aad ugu dhuun daloola oo Masaari ah, waxaa ka mid ah Danjire Ibraahiim Yusri iyo Injineer Mamduux Xamse.

Danjire Ibraahiim Yusri ooh ore u ahaan jiray Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa mar uu Al-Carabi 21 u warramayey waxa uu sheegay in madaxweyne Cabdifataax Siisi ay ku adag tahay in uu ku guulaysto in uu xidhiidhkan cusub ee Soomaaliya uu la samaynayo uga faa’idaysto in uu cadaadis uga dhigo Itoobiya.

Dhinaca kalana Danjire Ibraahiim waxa uu meesha ka saaray in Masar ay awood u leedahayba in waqtigan ay saldhig milateri ka samaysato dal kale, isaga oo sababta ku sheegay dhaqaale yaraan ka jirta Masar iyo dalalka Imaaraadka Carabta ee Siisi uu xidhiidhka adag la leeyahay oo aan maalgelin doonin saldhiggaas, maadaama oo Imaaraadka Carabtu uu xidhiidh fiican la leeyahay Itoobiya, isla markaana qayb ka yahayba maalgelinta biyo xidheenka Hadasa. Waxaa intaas dheer beesha caalamka oo aan marnaba yeeli doonin in Masar qaaddo tallaabo noocaas ah oo khatar amni keeni karta.

Geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here