Sirdoonka Somaliland oo Xidhay Sarkaal Djibouti u dhashay

0
998

news logo HPHargeysa,(HargeisaPress) — Hay’adda Sirdoonka Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabtay Muuse Cabdiraxmaan Cali (Muuse Guray), oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Jandal Maariga Jabuuti. Sarkaalkan ayaa la sheegay in Habeen hore lagala baxay Guriga uu degan yahay oo Xaafadda Xawaadle ee Hargeysa ku yaala. Xogo uu heshay Shabakadda HargeisaPress ayaa tibaaxaya in Sarkaalkan loo haysto inuu Dawladda Jabuuti u Gudbiyay Siro Xaasaasiya oo Somaliland leedahay, hase ahaatee ma jirto War Rasmi ah oo ka soo baxay xadhiga Sarkaalkan iyo Sababaha Rasmiga ah ee loo xidhay. Sarkaalkan Muuse Guray ayaa si sharci ah sanadadii u dambeeyay uga shaqaynayay Dalka Somaliland, gaar ahaana Bangiga Caalamiga ah ee Jabuuti ee BCIMR oo Hargeysa ku yaala. Baankan oo Xukumaddu Ruqsad u siisay inuu Laan ka furto Hargeysa, waxaa ka hawl gala Shaqaale kale oo Reer Jabuuti ah, waxaanu ku yaal State House-ka Agtiisa. Bangigan ayaa Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta Somaliland u fududeeya xidhiidhka Dunida,islamarkaana Xisaabo u fura. Wakhtiyaddii u dambeysay ayay sii xumaanaysay Kalsoonida dhinaca Amniga ee Somaliland iyo Jabuuti ka dib markii Xukumadda Jabuuti xidhay Xadkeeda ka dib Qaraxii Bishii May Jabuuti ka dhacay oo la sheegay in dadka fuliyay Somaliland ugu gudbeen.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeisa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here