Shirweynihii 8aad ee Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo ayaa galabta lagu Soo Gebagabeeyay Hotel Ambassador oo ku yaala Magaalada Hargeysa.

0
950

Hargeysa,(HargeisaPress) —Shirweynihii 8aad ee dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Huteel Ambassador ee Caasimadda Hargeysa, shirweynahan oo ay ka soo qayb galeen ergooyinka Dhammaan Ururrada Dalladda ku bahoobay oo isaga kala yimid dhammaanba Gobolada Somaliland

Shirkaasi Oo galabta lagu soo gabagabeeyay qabtay Hotel ambassador waxa ka soo qayb galay wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Agaasimaha Wasaarada Maxamed Xusen dhabeeye , Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargeysa Axmed Derajo Iyo Madax kale

Shirweynahan oo mudo laba cisho ah socday waxa ka qayb galay ergooyin ka kala yimid Gobolada Somaliland Iyo marti sharaf badan oo lagu casuumay.

Ergooyinkii ka soo qayb galay shirwaynahan ayaa waxay sidaasi cod gacan taaga ku ansixiyeen Cabdicasiis Siciid Saalax inuu noqdo gudoomiyaha dallada dhalinayarada Somaliland ee SONYO .

Waxana galabta loo doortay Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Aqoonyahan Cabdicasiis Siciid Saalax oo ay U codeeyen 125 ergo oo ka Kala yimid gobolada dalka manay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay.

Manay jirin cid la tartantay marka laga yimaado Cabdicasiis Xasan Warsame oo intii aan la codayn ka tanaasulay Musharaxnimadii Gudoomiyaha

Hadal uu Jeediyay Gudoomiyaha Cusub aqoonyahan Cabdicasiis Siciid Saalax Waxa uu yidhi” waxan u mahadnaqaya dhamaan ergada ka Kala yimid Gobolada Dalka iyo marti sharafta qiimaha leh ee shirkeena ka Soo qayb gashay. waxa aan idinka codsanaya in aad iigu ducaysaan xilkaa culus ee aan maanta qaaday, dhamaanteen waxa aynu wax ku qaban karnaa inago Wada jirna”

Gudoomiyaha Cusub ee Dallada Sonyo waxa uu amaan balaadhan usoo Jeediyay Gudoomiyihi Hore ee dallada Md Siyaad oo Shaqo wacan qabtay mudadii ay xilka hayeen soona gaadhsiiyay meel fiican iyo gudidii qaban qaabada shirka

Hadal uu xidhitaanka ka jeediyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa hambalyo u diray dallada dhalinyarada Sonyo sida fiican ee ay U qabsaden shirkooda iyo hogaanka cusub ee ay doorten.

Gudoomiyaha Cusub ayaa xilka haynaaya Mudo Saddex Sano ah halka markii hore ay ahayd laba Sano waxana isbedel Lagu sameeyay mudo xileedka hogaanka.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY