Shirweynaha SOLJA Oo La Soo Gabogabeeyay iyo Hogaan Cusub Oo Lagu Doortay

0
772

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Shirweynaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo ka socday Hotelka Ambassador ee Hargeysa ayaa la soo gabogabeeyay Galabta ka dib markii uu socday tan iyo subaxnimadii. Waxaa lagu doortay hogaanka Ururka oo ah 15 Xubnood.

15 Xubnood ee Shirweynuhu doortay ayaa iska dhex doortay saddexda xil ee ugu sareeya Ururka, waxaana Gudoomiye loo doortay Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto),halka ku xigeena loo doortay Kayse Axmed Digaale, iyadoo Xoghayaha Ururkana loo doortay Xuseen Yuusuf Kurdi.

Shirweynaha Solja oo muddo ku siman 4 Bilood qabsoomi la’aa ka dib markii Hogaankii hore xilku ka dhamaaday ayaa maanta qabsoomay iyadoo ay ku kala qaybsan yihiin Xubnaha hogaanka hore ahaa, waxaan shirka joogin Gudoomiye xigeenkii hore Maxamed Cabdi Curad iyo Xoghayihii guud Maxamed-rashiid, hase ahaatee Shirka ayaa ahaa mid Warbaahinta inteedabadani ka qayb gashay kuna dhamaaday hanaan turxaan la’aan ah.

Hogaanka la doortay ayaa xafiiska haynaya muddo ku siman saddex sano, waxaana laga rajaynayaa inay kor u qaadaan ilaalinta Xorriyadda Saxaafadda, kor u qaadista Aqoonta Suxufiyiinta iyo hawlo kale.

Magacyada Wariyeyaasha Loo Doortay Guddida Fulinta

1.      Xayaad Naaleeye

2.      Saynab Maxamed Cabdi

3.      Maxamed Ilko Case

4.      Maxamed Siciid Xarago

5.      Yaxye Sheekh Ismaaciil

6.      Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto

7.      Maxamuud Axmed Jaamac Caloolay

8.      Maxamed Boosh

9.      Salbeebaan Ibraahim Xaashi

10.  Mawliid Maxamed Shaqalle

11.  Ibraahim Cabdiraxmaan Qaasim

12.  Xuseen Yuusuf Kurdi

13.  Kayse Axmed Digaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here