Shirwaynaha Shaqo-Abuurka ee heer qaran Oo Maanta ka Furmay Hargeysa + SAWIRRO

0
1446
Gudoomiyaha Dallada dhalinyarada heer qaran ee SONYO Mudane C. Cabdicasiis siciid saalax

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirwayne ay si wadajir ah u soo wada qaban qaabiyeen Dallada dhalinyarada SONYO, Wasaarada shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada oo ay Maalgelisay Hay’da Save the Children iyo DANIDA iyo Midawga Yurub ayaa ka furmay magaalada Hargeysa.

Shirwaynahan oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 300 qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada, gobolada, laamaha dawlada hay’adaha caalamiga, qaramada midoobay iyo marti sharaf kale waxaana ugu horayn shirkan si rasmi ah u furay Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland waxaana hadaladiisii ka mid ah waxaan u mahadnqayaa qabanqaabiyaasha shirkan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “shirkan hawshiisu waa bilaw waanu inoo furan yahay, waxaa kale oo uu madaxwaynuhu xusay in shaqo muwaadin qaban karo inaan ajaanib qaban. Waxa kale oo uu baananka ku dhiiri geliyay inay inay dhalinyarada u fududeeyaan daymaha ay siiyaan.

Sidoo kale waxaa shirkan ka hadlay masuul ka socday midawga yurub Mr. alberto fait ayaa ka hadlay isla madashan waxaana uu xusay in shaqo abuurku uu ahmiyad wayn u leeyahay midawga yurub waxaana soo jeedinayaa inan soo saarno qorshe cad oo aynu ku hirgelinayno shaqo abuurka.

Sidoo kale waxaa isna madashan ka hadlay Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Mudane Axmed shukri waxaana uu gudoomiyuhu bogaadiyay ahmiyada xukuumadu siinayso shaqo abuurka waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ dhalinyarda ka soo qalin jebisa iyo suuqa shaqada dadka u baahan yahay waa kala duwan yihiin waxan u baahanay dugsiyada farsamada gacanta kor loo qaado isla markaana la xoojiyo mar walba waxaa badan shaqada xirfada.

Waxa isna sidoo kale maunaasibadan ka hadlay Gudoomiyaha Dallada dhalinyarada heer qaran ee SONYO Mudane C. Cabdicasiis siciid saalax waxaana uu gudoomiyuhu si qoto dheer leh uga hadlay caqabada haysta dhalinyarada marka ay timaado shaqo abuurista waxaana hadaladiisii ka mid “ caqabada haysta dhalinyarada marka ay timaado shaqo abuurka iska daa qof da’yar iska daa waxaa uu ku adag yahay qof business hore ugu jiray inuu maal gelin helo waxaa loo baahan yahay meelo ay dayn ka qaataan Shirkan oo socon doona mudo laba casho ah waxaa uu inaga caawin doonaa inaan dejino qorshihii aan ilaa 10,000 oo dhalinyaro ah sidii fursado shaqo loogu abuur lahaa, waxaa kale oo lagama maarmaan ah inaan jaamacadaha iyo suuqa shaqada in layswaafijiyo ayaa loo baahan yahay waxan u baahanay in dhalinyarada loo diiyaariyo sidii ay dhalinyarada loogu diyaarin lahaa.“

Waxaa kale uu gudoomiyuhu ka hadlay sanduuqa horuumarinta dhalinyarada Somaliland waxaan u baahanay in cashuur naloo saaro qaadka sigaagrka shidaalka tubaakada lagu horuumarinayo dhalinyarada.

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay Maxamed Maxamuud Cige oo ka sacda hayada SAVE THE CHILDREN ayaa isugna ka hadlay waxaa uu balan qaadeen sidii ay dhalinyarada Somaliland ku heli lahaayeen shaqooyin iyo mustaqbal quruxbadan.

Gebogebadii kulankan waxaa ka hadlay Wasiirka wasaarada shaqada iyo shaqo gelinta Marwo Hinda jaamac xirsi oo ugu horayn u mahad celisay Dallada dhalinyarada SONYO, hayda Save the Children Danida iyo Midawga yurub waxaan hadaladeedii ka mid ahaa
“Waxaanu u diyaaranay wasaaradu waxay diyaarisay siyaasado badan oo suura gelinaya shaqo abuurka.
Siyaasadaha kala duwan ee aas aas u noqon kara.

1. Wasaarada waxay gacanta ku haysaa siyaasada shaqo abuurka
2. Wasaaradu waxay gacanta ku haysaa Siyaasada carbinta shaqo
3. Wasaaradu waxay gacanta ku haysaa Siyaada hawl gabka shaqaalaha
Dhamaantood siyaasadahasi wayxay u aragnaa inay ahmiyad wayn u leeyihiin dhalinyarada iyo shaqo abuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here