Shirkii Toddobaad Ee Maalgeshiga Caalamiga Ah Oo Ka Socda Dubai Iyo Somaliland Oo Aan Ka Qayb-gelin

0
1123
Shirka Maalgeshiga

Duabi,(HargeisaPress) — Waxa Magaalada Dubai ka socda Shirkii 7-aad ee Maalgeshiga Caalamiga ah, kaasi oo Sannadkiiba hal mar la qabto.

Kulankan toddobaad ee maal-gashiga caalamiga ahna kan ugu weyn Adduunka , ayaa waxa Sannadkan ka soo qayb-galay ilaa iyo 55 dal iyo in ka badan shan kun (5000) oo hay’ado ganacsi oo diyaar u ah in ay maal-gashtaan fursadaha  ka jira  ee suuqyada soo baxaya.

Ujeedada kulkan maal-gashi oo sannadkiiba mar la qabto ayaa ah in ay si fool-ka-fool ah isu arkaan ganacsatada maal-gashiga iyo dalalka u baahan in dalalkooda la maal-gashado, Waxaana halkaas ka abuurma Xidhiidh.

Shirkaan uu furay ra’iisal wasaaraha dalka isku taga Imaaraadka ahna xaakimka xukuumadda Dubai ayaa waxaa diiradda lagu saaray maal-gashiga tooska ah ee dalalka dibadda (Foreign Direct Investment) iyada oo si gaar ah loo tix-galinayo ganacsiga dhaqaalahoodu soo kobcayo.

Waxaa kulankaan ka soo qayb-galay dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Kenya, Uganda, Rwanda, Mali iyo dalal kale oo Afrikaan ah oo soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalalkooda ka jira.

Somaliland oo si weyn ugu baahan maal-gasho gaar ahaan wax-soo saarka beeraha, kheyraadka badda, horumarinta xoolaha iyo quwadda tamarta korotanda ayaan ka xaadirin shirkaasi, halka dalka Afghanistan oo ay dagaalo sokeeye daashadeen ay ka soo qayb-galeen kuna qorteen erayo ay ka mid ahaayeen “Kaalay oo maal-gasho Afhanistan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here