Shirkii Mareykanka iyo Madaxda Afrika oo Maanta Furmaya Washington

0
921
U.S. President Barack Obama signs into law S. 517, Unlocking Consumer Choice and Wireless Competition Act, in the Oval Office at the White House in Washington, August 1, 2014. CREDIT: REUTERS/LARRY DOWNING
U.S. President Barack Obama signs into law S. 517, Unlocking Consumer Choice and Wireless Competition Act, in the Oval Office at the White House in Washington, August 1, 2014. CREDIT: REUTERS/LARRY DOWNING

Washington, (Reuters) – Kulan dhexmari doona madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama iyo hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada Washington ee xarunta dlaka Mareykanka, iyadoo shirkan looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin ammaanka Afrika iyo maal-gashi lagu sameysto Qaaradda.

Waxaa kaloo shirka diiradda lagu saari doonaa dhibaatada cudurka Ebola uu ku hayo dalla ku yaalla Galbeedka Qaaradan Afrika iyo sidii loo hakin lahaa in cudurkaasi uu faafo.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu soo qaadi doonaa cirib-tirka dhibaatada xag-jiriintu ay ku hayaan dalal ka mid ah Qaaradda, iyadoo si gaar ah arrintan diiradda loogu saari doono ururka Boko Haram eek a dagaalama Nayjeeriya iyo Al-shababta Soomaaliya, kuwaasoo ku xiran urur-weynaha Al-Qaacida.

Ujeeddada ugu weyn ee shirkan uu Mareykanku ka leeyayay ayaa lagu mac-neeyay in dalka Shiinaha uu kula loolamo Qaarada Afrika siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan, madaama Shiinaha iyo dalalka Afrika uu ka dhexeeyo xidhiidh aad u wanaagsan oo dhinaca ganacsiga ah.

Marayanka ayaa qosheynaya inuu maal-gashi aad u ballaadhan ku sameysto Qaaradda, si uu uga helo macaash fara badan, iyadoo shirkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo dhexmara Madaxweyne Mareykana ah iyo madaxda dalalka Afrika.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa inay shirkan dhaqaale dhan hal bilyan oo doollar ay ugu yaboohdo Qaaradda Afrika si wax looga qabto dhaqaalaha Qaarada oo sii liicaya iyo ammaanka.

Shirkan ayaa waxaa Somaaliya uga qaybgalaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo shirka kaddibna booqan doona gobollada ay Soomaalidu ku nooshahay sida Minnesota, halkaasoo laga abaabulayo bannaanbax looga soo horjeedo.

Madaxweynaha Suudaan, Jen. Xasan Cumar Al-Bashiir iyo Madaxweynaha Eritrea, Issias Afwerki ayaa ka mid ah madaxda Afrika ee aan shirkan lagu casuumin.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here