Shirkii Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Lagu Ansixiyey Siyaasada Qaran Ee Gaadiidka

0
1000

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kal-fadhigii 20-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06/09/2018, waxa lagu ansixiyey siyaasada qaran ee gaadiidka, waxaana lagaga dooday xeerka hawl-gabka iyo xaqsiinta ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland.

Siyaasada qaran ee gaadiidka dalka Somaliland ayaa ah mid lagu hagayo laguna maamulayo guud ahaan gaadiidka kala duwan ee Somaliland, waxaanu noqon doonaa mid lagu maareeyo dhibaatooyinka iyo faa’iidooyinka gaadiidku u leeyihiin dalka iyo dadkaba, si looga hortago waxyeelada iyo khataraha gaadiidka, waxaana soo diyaarisay Siyaasada qaran ee gaadiidka, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Ugu danbayntii kal-fadhigii maanta waxa ay wasiiradu dood dheer ka yeesheen xeerka hawl-gabka iyo xaqsiinta ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay soo diyaarisay wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, waxaanay goluhu ku ansixin doonaan kulamada danbe.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here