Shirkii Golaha Wasiirada Oo Warbixin Lagaga Dhaqaystay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland

0
1032

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Oo Maanta Uu Shirgudoominayey Madaxweyne Kuxigeenku Ayaa Warbixin Lagaga Dhaqaystay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Shirkii golaha wasiirada oo maanta uu shirgudoominayey madaxweyne kuxigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Jamhuuryadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa warbixin lagaga dhaqaystay hay’adda shaqaalaha dawladda.

 

Waxaana Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ay hor timi Kulankii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo tirsigiisu ahaa 226, isla markaana ka war bixisay hawlaha kala duwan ee ay hay’addu qabato. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Mudane Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle ayaa Golaha warbixin ka siiyay mashruuca dib u habaynta iyo tayaynta shaqaalaha dawladda ee ay iska kaashadeen Bangiga Adduunka.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay dhexda kaga jiraan isla markaana dhawaan soo gabagabayn doonaan dejinta xeerarkii iyo siyaasadihii lagu maamulayay shaqaalaha dawladda sidoo kelena dhawaan la bilaabi doono tirinta iyo ogaanshiyaha baahiyaha shaqaalaha dawladda si wax looga qaban karo. Waxa uu sheegay guddoomiyuhu in ay xidhiidh wanaagsan la leeyihiin Baanka Adduunka isaga oo sidoo kelena u mahadnaqay wasaaradaha kala duwan ee dawladda si fiican ee ay ula shaqeeyaan. Waxa kele oo uu golaha uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen una dhegeysteen warbixintaas.

Golaha Wasiirrada ayaa iyaguna dhakooda sheegay in hay’adda shaqaaluhu ay muujisay dadaal dheeraad ah isla markaana ay mudan tahay in lagu garab istaago hawlada ay qaranka u hayso iyaga oo halkaana wixii talooyin ah uga soo jeediyay masuuliyiinta Hay’adda ee halkaa joogay.

 

Guddoomiye Sharmaarke waxa kulanka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha iyo Madaxa isku xidhka mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawladda.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY