Shirkadda Telesom oo Abaal-marino Bixisay iyo Adeeg cusub ee TELESOM APP oo ay Daah-furtay + SAWIRRO

0
1237

Hargeysa, (HargeisaPress) —– Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa abaal-marino guddoonsiisay macaamiisha shirkadda ee ku guulaystay abaal-marina billaha ah ee Aqoonmaal iyo Hano Hadiyadaada.

Shirkadda Telesom ayaa xafladda abaal-marinta ku qabatay xarunta guud ee shirkadda ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qayb-galay qaar ka mid ah maamulka shirkadda iyo macaamiisha shirkadda ee ku guulaystay abaal-marinaha kala duwan ee shirkadda bixiso, macaamiisha la abaal-mariyey ayaa dhamayd 94 macmiil oo kala jooga dhamaan gobolada Somaliland.

Munaasibadan waxaa ugu horayn ka hadlay Madaxa laanta Suuq-gaynta ee shirkadda Telesom Md. Cabdiraxmaan Aadam Ismaaciil (Cabdiraxmaan Aar) waxaanu ka warbixiyey abaal-marinaha shirkaddu guddoonsiisay macmiisheeda, waxaanu yidhi, “Barnaamijkani wuxuu soo socday sannadkii dhamaaday,

Barnaamijkan aynu maanta u fadhino wuxuu ka kooban yahay, Laba barnaamij oo kala duwan oo mid walba ay shirkaddu ku bixiso abaal-marino. Waxaana kamid ah barnaamijka Aqoonmaal iyo Hano Hadyaddaada Macaamiisha Moobaylkooda ka  isticmaasha internet-ka oo macmiil u ah shirkadda TELESOM isla markaana internet-ka ka isticmaala moobaylkiisa, waxa uu awood u leeyahay inuu barnaamijkaa ka soo qayb-galo, nasiibkiisana tijaabiyo, isagoo kelmadda ‘Abaal-marin’ u soo diraya Numberka “111”.

Cabdiraxmaan Aar ayaa intaasi ku daray, Barnaamijka Labaadna ee soo raacaa waxaa weeye Aqoon-maal oo isagu runtii muddo badan soo jiray, oo isagana macmiil ka badan kontameeyo ay bil walba hadyaddo kala duwan ay ku guulaystaan”. Hadiyaddaha Telesom bixiso ayaa ka kooban Shooladda Somgasta, Telesom Mifi, Smart Phone, Qalin quraan, talaagad, iyo qasaalad,

Cabdirahmaan Aar ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Maanta waxaan ugu bushaaraynaynaa macaamiishayadda Qaaliga ah, inaan u soo kordhiney barnaamij casri ah, oo ah Mobile app kaas oo ay kala soo degi karaan Android-ka , iyagoo ku qoraya Telesom App, run ahaantii sideynu uga wadda baraney shirkadda telesom sannad kasta waxay inoo soo kordhisaa Barnaamij cusub oo casri , iyadoo markasta ka jawaabaysa baahida technoolajiyadeed oo ay qabaan macaamiisheenu , sidaa awgeed maanta waxaan idiin soo kordhiney App-kan oo aad ka heli doontaan adeegyo aad u qiimo badan oo baahi badan loo qabey”,

Cabdiraxmaan Aar isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “App-kan qaybaha ku jira ee uu leeyahay waxa ka mida, Sim backup kaas uu marka mobile-ku kaalumo aad dib u helaysid macluumaadkii kuugu jirey simcard-ka,sida asxaabtii iyo qaraabadii kuugu save garaysnayd (contact Numbers)  App-kan waxa kale oo ku jira barnaamij lagu ogaanayo hadii lagaa xado mobile ka (Anti-theft), barnaamijkaasi wuxuu ku soo sheegayaa mobilekaaga  simcard ka lagu isticmaalyo. App-kan- waxa kale oo ku jira, in macmiilku kasoo gudbin karo wixii cabasho uu qabo, isla markaana ka xalisan karo wixii ciladda kaga yimaada adeegyadda”.

Dhinaca kale waxa isaguna xaflada Macaamiisha lagu abaal marinayay ka hadlay maamulaha xidhiidhka dadwaynaha ee shirkadda Telesom mudane Maxamed Cabdi Darbo waxaanu yidhi, “Waxaan  idinka mahad celinayaa kasoo qayb galayaasha ka soo qaybgalay xafladan abaal marinta lagu gudoonsiinayo qaar kamida macaaamiisha ku guuleystay Aqoonmaal iyo Hanno hadiyadaada, Barnaamijka  Aqoonmaal waa barnaamij waxbadan laga faaidi karo , ha noqoto warar iyo aqoonkaleba, waxa jira mashaariic badan oo Shirkadda Telesom ay waddanka ka qabataa jira,Caafimaad leedahay , haday waxbarasho leedahay, shirkaddu had iyo jeer waxay dhinac taagan tahay Dadkeeda, Gurmad kasta oo umaddeena loo fidinayo shirkaddu qayb libaax ayay ka qaadataa,
shirkadda Telesom wax aka goan in qofkasta oo dalkan ku nool in laga haqabtirto isgaadhsiin ku filan oo casri ah, waayo dadkeenii way korayaan waanay balaadhanayaan bulsho ahaan, markaa waxa naga goan inaan dadkeena ku xidhno aduunka”.

Waxaa iyaguna xaflada ka hadlay qaar ka mid ah macmiisha ku guulaysatay abaal-marinta ay shirkaddu bixisay waxaanay si aad ah uga mahadnaqeen shirkadda abaal-marinaha ay macaamiisheeda guddoonsiisay, waxaanay shirkadda ku dhiiri-galiyeen inay sii wado dadaalka ay bulshadeeda ku dhiiri-galinayso.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY