Shirkadda Telesom Dunida Markii ugu horaysay Ku Soo Kordhisay Technology cusub oo ah Sarifka Lagacaha ee Moobile-ka (Mobile Exchange)

0
1258

Hargeysa,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha shirkada isgaadhsiinta ee Telesom Cabdikariin Maxamed Iid, ayaa ka waramay sarifka lacagaha ee ay macaamiisha iyo sariflayaasha u fududaysay shirkada Telesom oo uu ku tilmaamay adeeg shirkadu ay u curisay dadkeeda Somaliland.

Waxa uu guddoomiye Cabdikariin Maxamed Iid uu meesha ka saaray in shirkada Telesom ay iyadu wax sarifayso, waxaanu xusay in jaangoynta sarifka iyo shuruucdaba uu baanka dhexe ee Somaliland bixiyo, shirkada Telesomna ay ku koobantahay inay bulshada adeegan u fududayso.

Halkan ka daawo warkan:

https://youtu.be/JZQyqZzop2o

Waxa uu sidan  ka sheegay guddoomiye Cabdikariin Maxamed Iid laanta afka Soomaaliga ee BBC, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaayay shirkada uu yidhi  “Shirkada Telesom oo mar walba ku dedaalaysa inay u fududayso inay samayso  wakhati ilaalin,kharash yari iyo hufnaan shaqo macaamiisheeda kala gadisan mar walba waxa ay soo kordinaysaa adeegyo cusub, oo sida aad la socotaan tignoolajigu waxa uu u baahan yahay saaxadii uu ku shaqayn lahaa, waxa adduunka lagu kala tagay ee shirkadaha waaweyn ee Maraykanku ay maanta iyagu hoggaamiyaan amazon, Microsoft, Google taas ayaa xukuumadeena iyo dastuurkeena Somalilandna u fududeeyay in ganacsatadu iyo shirkaduhu ay ku soo bandhigi karaan ganacsiyada Tignoolaji walba, taas ayaa noo sahashay.”

Isaga oo ka hadlaaya adeegan qofka iyo sariflaha isgaadhsiinaaya oo wax laga waydiiyay waxa uu yidhi”Sarifluhu isaga ayaa iska leh shirkaduna hawl fududayn ayuunbay u samaynaysaa baanka dhexena isaga ayaa dejinaaya shuruucda oo marka hore waa inuu qofka sariflaha ahi uu ruqsad ka haystaa,marka labaad sarifka waxa jaan gooyntiisa yeelanaaya oo soo saaraya maalin walba waa baanka dhexe ee Somaliland anagu tignoolajigaas ayuunbaanu u abuurnay in iyaga  iyo bulshada aanu isku xidhno, waxa kale oo aanu u abuurnay jawi ay ku wada shaqayn karaan baanka dhexe ee Somaliland iyo sariflayaashu.”

Guddoomiyaha shirkada isgaadhsiinta ee Telesom Cabdikariin Maxamed Iid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waa adeeg aanu u samaynay sariflayaasha oo wax alle iyo wax aanu shuqul ku leenahay ma jirto, runtii Tignoolajiyadu waxay soo kordhisaa faa’idooyin aad iyo aad u badan, caafimaadka,waxbarashada, beeraha iyo dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ayay moobilka bulshooyinku uga faa’iidaystaan, waxa runtii guul iyo magac ay umadda maanta u soo hoysay inuu adeegani yahay kii ugu horeeyay ee dunida laga sameeyo,adeegaasigan waa mid anagu aanu shirkad ahaan halkan aanu ku samaynay.”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY