Shirkadda Seeraar Oo Dawladda Hoose Ee Hargaysa Ku Eedaysay In Ay Bur-burisay Dhisme Shirkadu Leedahay

0
881

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Masuuliyiinta iyo mulkiileyaasha shirkadda ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Ila Seeraar ayaa cabasho ka muujiyay in dhibaato ka soo gaadhay Laag biyo mareen ah oo ku taalla dhisme Food ah oo ay shiradkadu leedahay.

Goobtan biyo mareenka ah oo ay bur-burisay dawladda hoose ee Hargaysa, kadib roobabkii mahiigaanka ahaa ee Hargaysa ka da’ay todobaadyadii la soo dhaafay.

Maxamed Galbeedi, oo ku hadlayay Af-ka shirkadda ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Ila Seeraar oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa  dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa ugu baaqay in ay qaadato masuuliyadda wixii dhibaato ah ee halkaa ka dhacay.

Halkan Hoose Ka Daawo Maxamed Galbeedi Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

https://youtu.be/-WxqFm1i9X4

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY