Shirkadda Laga Leeyahay Dalka Oman oo Maal-gelin Ku Samayn Doonta Warshada Sibidhka Berbera

0
2034

Hargeysa (HargeisaPress) – Shirkada Raysut Cement ee laga leeyahay dalka Oman ayaa shaaca ka qaaday qorshe shirkad soo saaraysa Sibidhka ay kaga dhisayso Magaalada Berbera ee Somaliland.

Shirkada Raysut Cement oo kaashanaysa Shirkada MSG Group, ayaa qiimaha heshiiskani ku kacayaa $ 40m (OMR15.4m).

Heshiiskan ayaa waxa saxeexay maareeyaha shirkada Konstantinos Kouklidis, waxaana shirkada Raysut Cement ay sheegtay inay lahaan doonto saami ahaan 55%, Iaydoona sheegtay inay soo saari doonto lacag gaadhaysa 907,185 tonnes (t). halka boqolkiiba 45% ay yeelan doonto shirkada MSG Group.

May 2019 Shirkada Raysut Cement ayaa heshiis ku dhawaa $ 60m (OMR23m) la gashay shirkada shamiitada ee fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta oo la yidhaa Fujairah Cement Industries, Iyadoona ay saami leedahay shirkada Sohar Cement Co.

Shirkada qalabka dhismaha ee Omani ayaa wax soo saarkeeda guduhu gaadhi doona 4 Milyan oo tan, Raysut Cement ayaa wuxuu dakhligeedu kordhay 26.6% ee sanadka 2018, iyada oo dakhliga soo gala uu yahay $ 236.3m (OMR91m), halka sanadkii 2017, ay faa’iday $ 186.4m kor u kac weyn oo ka sarreeya tirakoobyada miisaaniyadeed (OMR71.8m), shirkadda ayaa ku dhawaaqday suuqyadeeda saamiyada.

Dhinaca kale, Xukuumada Somaliland ayaa iyadu ilaa iyo hada aan ka hadaal warkan ay shaacisay Shirkada Raysut Cement.

HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTA 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa/Somaaliland
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here