Shirkadda Hema waxaan leenahay Falaadhi Gilgilasho kaagama go’do,Dugsiga Nuuradiin-na…

0
1940
Hema-books

Dugsiyada Nuuradiin waxay si toos ah ula shaqeeyaan Wasaaradda Waxbarashada waxaanay mark kasta u hogaansan yihiin hirgalinta iyo fulinta go’aannada iyo wareegtooyinka Wasaaradda Waxbarashada.

Shirkadda Hema waxaan leenahay (Falaadhi Gilgilasho kaagama go’do).

Maamulka shirkada HEMA BOOKS waxay sannadkii 2016 – kii heshiis aan xalaal ahayn oo aan la marin talaabooyinkii sharci ee u yaalay Hay’adda qandaraasyada qaranka ay ku heleen daabacaada buugaagta Qaranka ee jamhuuriyada S/land, taas oo lagu qanciyay Shirkaddihii muwaadiniinta ahaana tartan aan caddaalad ahayn oo ay horreba u sii dooraayeen, shirkadihii been abuurka la dhoob dhoobay lagu qanciyayna ay joogaan oo ay ka hadli doonaan.

Heshiis ku sheegaa xaaraanta ahi markii uu u cadaaday ummada reer S/land ayay shirkada HEMA BOOKS xal moodeen in ay eedaymo aan waxba ka jirin oo been abuur ah u soo jeediyaan Dugsiyada Noradin iyo Maamulaha Guud Haji-Mahad Ibrahim Mohamed, iyaga oo dabada galinaya Wasaarada Wax-barashada iyo Sayniska, islamarkaasna raba in ay iska horkeenaan oo khilaaf ka dhex dhaliyaan Wasaarada Wax-barashada, xukuumada iyo Dugsiyada Noradin.

Dugsiyada Noradin waxay la kawsadaan aasaaskii Jamhuuriyada S/land, waxa Dugsiyada la aasaasay 1995, iyada oo uu wakhtigaas bilaabay Maamulaha Guud ee Haji-Mahad Ibrahim Mohamed, waxay Dugsiyadani kaalin mug iyo miisaan wayn leh kasoo qaateen dib u dhiskii qarankan Jamhuuriyada S/land ee dhinaca Tacliinta. Haji-Mahad waa mujaahid u soo halgamay dib u dhiskii tacliinta wadanka Jamhuuriyada S/land tan iyo 1995-kii. Mudadaas Haji-Mahad uu soo waday hal-gankaas wax-barasho waxa uu lasoo maray duruufo adag iyo xaalado kala duwan oo ay markhaati ka yihiin bulshada reer S/land. Ujeedadiisu waxa ay ahayd in uu qarankan u hiiliyo, dadkiisana uu kala dagaalamo jahliga. Si ay taasi u hirgasho waxa uu u huray Naf, wakhti iyo maal ba.

Waxa xusid mudan in mudadaa dheer ee ay jireen Dugsiyada Noradin in ay soo saareen arday aad u tirro baddan oo boqol kun oo arday ku dhawaad ah, ardaydaas oo ay maanta ka mid yihiin qaar fadhiya Golaha Wasiirada, dhakhaatiir, Engineers, Culimo iyo aqoon yahano kale oo badan. Waxa kamid ah ardaydii Dugsiga ka baxday qaar ka mid ah maamulka ugu sareeya ee Shirkada HEMA BOOKS oo hadda cambaarayn iyo been abuur ka qoraya macalinkoodii oo aanu ku sheegi karno (Waalid caasi).

Waxa kale oo xusid mudan in Dugsiyada Noradin ay qayb wayn ka qaataan kaalmada iyo caawinta dadka danyarta ah, waxa ay lacag la,aan wax ugu dhigaan 23% (boqolkiiba saddex iyo labaatan) ardayda guud ee dhigata oo ay baahiyahooda waxbarasho oo dhan daboolaan.

Waxa ay u noqdeen Dugsiyada Noradin shaqo abuur muwaadiniintii reer Somaliland, waxa ka shaqeeya 2000 (laba kun) oo qof oo ay noloshoodu ku tiirsan tahay. Waa mu’assasad aanu waxba ka sheegi karin garan karinna qiimaheeda dad qurbo joog ahaa oo duruufihii adkaa ee wadanku kasoo gudbay iyo rasaastii dibadaha kaga gabanaayay maantana markii uu wadanku barwaaqoobay u soo shaqo tagay.

Waxaan si kooban uga jawaabi doonaa eedaymaha been abuurka cad ah ee ay shirkadda HEMA BOOKS u soo jeedisay Dugsiyada Noradin.

Dugsiyada Noradin mudada aadka u dheer ee 23 ka sanno ah ee ay wadanka kasoo shaqaynayeen, waxay si toos ah u raacayeen Manhajka Wasaarada Waxbarashadu u dejisay qarankan S/land, sidoo kale waxa ay ku shaqaynayeen siyaasada iyo nidaamka u dejisan Wasaarada, islamarkaas na waxay fulinayeen ilaa hadda na ay fulinayaan go’aannada iyo wareegtooyinka kasoo baxa Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska oo dhamaan Dugsiyada wadanka ay ku waajib tahay in ay u hogaan samaan. Mahad oo ah aasaasaha iyo Maamulaha Dugsiyada Noradin waxa uu wakhtigaas ay iskuuladu soo jireen ilaa hadda ku barbar taaganyahay wasaarada go’aanada kala duwan ee kasoo baxaya iyo horumarka ay marwalba soo kordhiso wasaarada wax-barashadu.

Manhajka waxbarasho ee qaranku maaha mid maanta iyo shalay bilaabmay, ee waa mid soo jiray intii qarankan J/Somaliland jirayba oo lasoo horumarinayay marba marka ka dambeysa, Dugsiyada Noradin horumarka iyo hagaajinta lagu sameeyo Manhajku waxay u tahay guul wayn oo u soo hoyatay, hirgalinta iyo meel marinta manhajkaas na maanta iyo mustaqbalkaba Dugsiyada Noradin waa u diyaar. Horumarinta iyo tayaynta Dugsiyada dawlada iyo guud ahaan tacliinta wadanka waa u sharaf Dugsiyada Noradin waayo waxa wax ku baranaya muwaadiniin.

Waxa cusub oo ay shirkada HEMA BOOKS soo daabacday sanadkii 2016 – kii buugaag kuwaas oo ay si cad oo badheedh ah uga koobiyaysteen buugaagtii ay soo daabici jireen Dugsiyada Noradin iyagoo ka hor istaagay markii Maamulaha Guud Haji- Mahad uu Wasaarada Waxbarashada ugu deeqay buugaagtaas daabacan ee hore u diyaar sanaa waafaqsanaana manhajka u dejisan dalka, tacab iyo maal badanna ka galeen dugsiga,

Dugsiyada Noradin waxa ay mudadaas aad ka u dheer ee ay soo jireen ardaydooda u diyaarinayeen buugaag daabacan oo waafaqsan manhajka J/SL, tayadooduna aad u sarayso oo lajaan qaadaya tacliinta casriga ahi halka ay maanta marayso si ay ardaydoodu u helaan aqoon tayo sare leh u lana tartamaan caalamka. Buugtaasi waxa ay kala yihiin Text books iyo work books, qiimaha uu dugsigu ardayda ka siiyaa celcelis ahaan waa $ 2.5 buugiiba, Halka ay HEMA kasiiyaan ardayda danyarta ah $ 3 buugiiba, waxaanay ku soo sheegeen maqaal ka ay ku eedaynayaan Dugsiyada Noradin in ay siiyaan buugta  HEMA $ 1.5, Noradin na $3.6  taasina waa been abuur cad oo aan sal iyo raad mid na lahayn, waxaana ka qiimo jaban buugta sida halkaa ka muuqata buugta Dugsiyada Noradin.

Dugsiyada Noradin waxay buugta u soo daabacaan ardaydooda oo kali ah, kama ganacsadaan cid kallena uma daabacaan, cidda buugta ka ganacsata ee ummada sida arxan darrada ah u dhiig miiranaysaa waa shirkada HEMA.

Sidoo kale waxa ay shirkada HEMA ku aflagaadeeyeen maqaalka ay ku eedaynayeen Dugsiyada Noradin Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo ay yidhaahdeen macalimiinta imtixaanka qaranka dejisa waxa uu shaqo kasiiyaa Mahad Dugsiyadiisa. Aflagaadadaas ay ku sameeyeen xafiiska imtixaanku maaha markii koobaad ee waa arin ay caadaysteen HEMA.

Waxaan halkan ku cadaynaynaa in macalimiinta ka dhiga Dugsiyada Noradin aanay Dejin haba yaraatee Imtixaanaadka Qaranka, ee Xafiiska Imtixaanka Qaranku u dirto macalimiin u gaar ah oo u dejiya imtixaanka. Macalimiinta ka hawlgala dugsiyada Noradin waa macalimiin aqoon, karaamo, masuuliyad iyo waayo aragnimo leh, ardaydoodana ugu dhiga si hagar la’aan ah, taasina waxa ay ka muuqataa tayada ardayda sanad walba ka baxaysa dugsiyada Noradin. Dadaalka wadajir ka ah ee Maamulka, macalimiinta, waalidiinta iyo ardayda Dugsiyada Noradin oo ay ALLAH la kaashadeen ayaa u sabab ah in ardayda Dugsiyada Noradin ka baxayaa sanad walba ay noqdaan kuwa ugu sareeya Jamhuuriyada S/land. Waa warkii wax ma garatada iyo garaad gaabka waxa ay ku hadleen shirkada HEMA. Guusha ALLAH ayaa bixiya oo ay gacantiisa ku jirtaa.

Shirkada HEMA sida aan ku soo bilaabay qormadan heshiis aan xalaal ahayn ayay ku heleen qandaraaska daabacaada buugaagta qaranka, tartan waraabe u taag ah oo ay marka horeba sii dooraayeen oo aanay wax ba ka jirin ayay lagaleen madbacadaha kala ah (Asal, Baabusalaam, Sundus iyo Sagal jet), waxay tartan kaas waraabe u taaga ah kaga guulaysteen shirkadihii kale eex, laaluush, qaraabe kiil iyo xidhiidho culculus oo ay lalahaayeen xukuumadii hore. taasoo ay ujeedadoodu ahayd in ay albaabada u xidhaan muwaadiniintii maal ka gashaday wadanka ee iska lahaa madbacadaha wadanka gudihiisa wax ku daabaca, dhaqaalahana wadanka dib u galinayay oo ay keligood kooto ku haystaan daabacaada buugaagta qaranka mudo (15 sanno ah).

Kadib markii ay arkeen Shirkada HEMA BOOKS tayada aqooneed, hufnaanta iyo horumarka ay xambaarsan yihiin buugaagta ay daabaceen dugsiyada Noradin, markii ay arkeen bulshada aqoon yahanka ah ee wadanku sida ay ula dhaceen ee ay ugu kalsoon yihiin ayay argagax iyo u qaadan waa ku noqotay oo ay u arkeen inaanay soconaynin buugta ay soo saareen,  waxaanay bilaabeen in ay dagaal, dacaayad iyo sumcad ka dil ku sameeyaan Dugsiyada Noradin iyo buugta ay soo saaraan waxaanay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuuleen sidii ay u dabar goyn lahaayeen daabacaada iyo soosaarida buugta Dugsiyada Noradin, iyagoo u gudbinaya Wasaarada Waxbarashada iyo xukuumadda dacwado iyo qoraallo been abuur cad ah oo ay ugu talo galeen in ay ku cambeerayaan kuna ceebeeyaan Dugsiyada Noradin, u jeedadooduna ay tahay siddii ay shirkadihii wadaniga ahaa hadh cad u baabiyeen in ay Dugsiyada gaarka ah na u baabiiyaan una beegsanayaan hadda Dugsiyada Noradin, waxa ay ka xun yihiin Horumarka ay sameeyaan Dugsiyada Gaarka ah iyo sida ay wax uga tareen baahiyihii wax-barasho ee bulshada. Waxa ay rabaan in iyaga mooyee cid kale aanay muuqan oo aanay wadanka waxba ka qaban. Waa kootadii ugu foosha xumayd abid ee soo marta tacliinta qaranka Soomaaliland. Waxaan leenahay ‘‘tacliintii qarankan soomaaliland waxa ay gashay afduub iyo kooto bulshooy’’!!!!!!!!!.

Waxa Ayaan darro ah in ay maamulka shirkada HEMA BOOKS ay ka garaad iyo naxariis liitaan Hay’adihii ajnabiga ahaa ee aynaan isku diinta iyo dhaqanka ahayn ee buugta inoo daabici jiray sababahan awgood.

HEMA BOOKS waxa ay go’aansatay in ay si arxan darro ah uga ganacsato dadkii danyarta ahaa ee aan waxba awoodayn oo ay ka mid yihiin caruurtii askarta, agoontii mujaahidiinta iyo dadkii duruufaha adag ladaalaa dhacayay ee ay sixir bararka iyo abaaruhu saameeyeen. Halka ay Hay’addahii Ajaanibka ahaa ay buugta ugu qaybin jireen dugsiyada Hoose/Dhexe lacag la’aan.

HEMA waxa ay u badheedheen qaladaad buugaagta ku jira oo diin ahaan, caqiido ahaan iyo qaar taariikhdii waddankani soo maray baabiinayaba leh, qaladaadkaasi oo aanay mar-na ku kicin hayadihii Ajnabiga ahaa ee soo daabici jiray Manhajka ee inaga caawin jiray. NB. Markii qaladaadkaas lagala hadlay Shirkada HEMA BOOKS iyo Agaasimaha Manaahijta, waxay ku jawaabeen khasaare ayaa nagu dhacaya haddii aanu bedelno.

Halkan waxaan ku soo koobayaa qaar kamid ah qaladaadka ku jira buugaagta ay daabaceen HEMA.

Meel-ka-Dhaca xagga Diinta Islaamka:

Buugga Fasalka Labaad ee Biolojiga waxa si weyn loogu faahfaahiyey aragtidii ALLAH-diidka ahayd ee Charles Darwin oo loo yaqaan (Darwin’s Theory of Evolution). Aragtidaasi waxa ay rumaysan tahay in ay Dadku ka yimaadeen asalkoodii daayeerka Chimpanzee. Si aad u hubsato arrintaa eeg bogagga (172- 174). Waxaan halkan ku soo minguurinayaa (quoting) qoraallo ka mid ah buuggaa Fasalka labaad ee Dugsiyada Sare. Bogga 172 waxa uu buugu faahfaahin ka bixinayaa Aragtida Darwin isaga oo ku bilaabay in uu qeexo macnaheeda, hase yeeshee, sidaa kumuu dayn ee faqrada 4aad  waxa uu buuggu isku dayey in uu markhaati u raadiyo in aragtidiisa ay aqoonyahanno kale ku taageereen.Waxa uu magacaabay A.R.Wallace. Waxa aynnu ognahay in dalal badan oo aan Islaam ahayn laga joojiyey dhigitaanka aragtidan gurracan. Waxa aan ka xasuustaa dalalka laga joojiyey dalka USA, Italy, dalal ka mid ah Latin America iyo dhammaan dalalka Muslimka ah oo Turkigu u horreeyo. Waxa nasiib-darro ah in maanta 2018 loo dhigayo ardaydeenna buuggii Darwin, “On the Origin of Species”. Taasi oo macnaheedu yahay in aan Ilaahay jirin, waxna abuurin!!

Meel-Ka-Dhaca Xagga Xaq-u- dirirkii Ururkii SNM:

Waxa buugga Taariikhda Fasalka Afraad, bogga 15, faqrada 3, si cad oo aan gabasho ku jirin ugu tilmaamayaa ama sifeynayaa madaxdii ciidamada SNM ee uu ka mid ahaa madaxweynaheennu Muuse Biixi in ay ahaayeen, dagaalkuna ahaa laba mid uun 1- Dagaal qof ujeeddo ka leeyahay ama 2- mid wadaniyadda ka arradan. Waxan halkan idiinku soo gudbin sida ay ugu qoran tahay manhajka ardaydeenna loo dhigo. Hordhaca faqradaasi waxa ay isweydiisey: Kornayladii iyo Janaraaladii u dagaalamayey himilada wadaniyadda Soomaliyeed ee dagaalka ku qaaday Itoobiya sidee bay ugu noqdeen marti dal cadaw ah bilo kaddib. (I am quoting): “…. That Colonels and Generals fighting for searching Somali Nationalistic aspirations and war against Ethiopia have been hosted by the hostile country after months.”  Kaddib qoraagu waxa uu isweydiiyey in ay laba mid uun tahay a- in uu dagaalku ahaa mid shakhsi ah oo dan gaar ah laga lahaa ama b- Somalidu aanay garanayn wadaniyadda . To quote “… one man’s desire or Somalis didn’t acquire the nationalistic statehood”! Dalka uu leeyahay waa “cadow” waa Itoobiya oo ah dalkii keli ahaa ee inna soo dhaweeyey markii ciidankii Siyaad Barre diyaaradaha iyo dabbaabadaha innagu garaacayey. Maantana waa dal aynnu saaxiib nahay. Ummadda dhammaanteed ka gilgilatay adoonsigii ayuu ku tilmaamay buugga aradaydeenna loo dhigaa in ay ahayd ujeeddo NIN keliyihi lahaa!!!

Waxa ay yidhaahdeen:  “Doodayadu waxa ay ku salaysan tahay labadaa assumption ama malaynood ”.  Waxa ay doodoodii ku soo gabagabeeyeen in: Ku- faanka qabyaaladda iyo nidaamka jilibyadu ay ku qotomaan dhaqanka Soomaalida oo ka muhiimsan ummadda. Taasi oo ay ku sababeeyeen in aanay Soomaalidu u kobcin si ay u gartaan waxa ay tahay ummaddu iyo wadaniyaddu!! Haddaba aan idiin soo minguuriyo sida ay ugu qoran tahay buugga Fasalka Afraad p. 15 “ Tribal pride (Isaaqism) and clannish system of behavior which has basics in Somali culture is more important than nation. Lack of maturity in nationhood and state-hood by Somalis is obvious and very clear”

Bogga 17  waxa uu xaq-u-dirirkii ku tilmaamayaa SNM  “ repel group” oo ugu dambayntii keenay sida ay u dhigeen ama qoreen “ Those opposing forces led to the fragmentation of the Somali forces..,”  Taasi macnaheedu waxa weeyi in ciidamadii xasuuqay ummadeenna ahaayeen ciidamo Somaliyeed halka SNM ahayd fallaago ama “shufto.”

Waxa buugga ku cad in uu deedifeynayo dagaalkii xaq-u-dirirka ahaa ee aan naf iyo maalba ku weyney. Balse waxaba uu inno arkaa dad burburiyey dalkii Somaliyeed oo aan fahamsanayn waxa ay u dagaalamayeen.

Waxa kale oo kamid ah in ay wasaarada waxbarashada ka hortaagan yihiin sixida iyo dib u eegista buugta oo ay leeyihiin haddii kuwan la bedelo waanu khasaaraynaa FG. Sidaas darteed khasaaraha gaadhaya diinta, caqiidada iyo taariikhda wadanka waxa kala wayn khasaaraha kooban ee aduunyo ee soo gaadhaya.

Waxa cad oo la taabtay in shirkada HEMA BOOKS lagasoo maalgaliyo wadanka dibadiisa islamarkaasna mulkiilaha shirkadan lihi uu ku noolyahay wadanka dibadiisa, maamulaha guud ee shirkadu wuxuu ka yimid wadanka maraykanka, waxa uu joogay kaliya laba sanno wadanka, waa dad aan wadanka hore ugu noolayn oo aan lasocon duruufihii adkaa ee lasoo maray, dibadana ku maqnaa wakhtigii wadanku duruufahaa adag ladaalaa dhacayay, waxa uu yimid wadanka maanta kasoo kabtay duruufihii adkaa una yimid inuu macaash ka sameeyo buugaagta iyo manhajka Jamhuuriyada S/land ee loogu talogalay dadka tabaalaysan ee duruufaha kala duwan la daalaa dhacaaya.

 Halka maamulaha guud ee Dugsiyada Noradin Haji-Mahad ee ay wax ka sheegayaan yahay ninka ummada wax baraayay iyada oo ay rasaastu ka dul dhacayso oo ku shaqaynaayay duruufahaa adag ee lasoo maray.

 Waxaan ka codsanaynaa xukuumadda in Shirkaddaas dhiigmiiratada ah ee cagta marinaysa dadkii u soo halgamay waddankan ee ku muquuninaysa awood dhaqaale iyo musuqmaasuq in wadanka laga qabto.

Waxa Qoray: Waalid Maxamed Xasan Cabdillahi Weli

Email: weli2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here