Shirkadda Fly Emirates oo Joojisay Duullimaadyadeedii Dalal ku yaalla Galbeedka Afrika

0
1021

DUBAI,(HargeisaPress) — Duulimaadyada diyaaradda Emirates ee laga leeyahay dalalka Imaaraadka Carabta ayaa joojisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay dalal ku yaalla galbeedka Afrika cabsi laga qabo in cudurka Ebola uu so gaaro gobolka awgeed.

Waa duuluumadki ugu horeeyay oo caalami ah oo hakiya shaqooyinki ay hayeen ,iyada oo laga jawaabayo in Ebola uu saamayn ku yeesho dowlado ka baxsan galbeedka Afrika sida lagu xusay war-ka soo baxay Emirates.

“Raalli-galin ayaan ka bixinaynaa dhibka soo gaaraya macaamisheennii, waxaan kaloo muhiimadda koowaad siinaynaa dadka nagu xidhan,“ ayaa lagu yidhi warka Emarits oo si qota dheer uga hadlayay sababaha keenay khatartan.

Arrintan ayaa cirka isku shareertay ka dib markii ruux qaba cudurka Ebola shalay lagu arkay garoonka diyaaradaha magaalada Lagos ee dalka Nigeria, iyadoo la sheegay in xanuunkan la isugu gudbin karo diyaaradaha iyo waliba garoomada caalamiga ah.

Diydaaraddan oonan ka howl-galin labada wadan ee cudurkan uu sida aadka ah u waxyeeleeyay ayaa sheegtay in la sii wadi doono duulimaadyadii aadi jiray magaalada Dakar ee dalka Senegal,iyadoo dib u eegis lagu samayn doono go’aanka duulimaadka looga joojiyay wadamada ku yaalla galbeedka Afrika qaarkood.

Hay’ad ka shaqaysa arimaha duulimadyada adduunka oo lagu magacaabo Air Transport Association (IATA) ayaa ku amartay dowladaha qaarkood in la baaro dadka safarka ah ka hor inta aysan diyaaraduhuu ka duulin garoomada.

Ugu danbayntii dowladda Nigeria ayaa hakisay duulimaadkoodi ka aadi jiray labada wadan ee kala ah dalalka Liberia iyo Sero leone oo cudurkan lagu arkay, waxana la sheegay in tirada dhimashada ay ilaa iyo hadda marayso 729-ruux.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here