Shirkadda DP World Oo Sheegtay Inay 20% Kordhisay Dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera

0
1160

Hargeysa , (HargeisaPress) —Shirkadda DP world ee la wareegtay maamulka dekedda Berbera, ayaa sheegta in dhaqdhaqaaqa dekedda Berbera uu kordhay 20%, marka la garab dhigo xaaladii dekedu ku sugnayd sannadkii hore.

Wargeyska World street journal, ayay madaxda DP world u sheegeen in dhawaan ay Berbera keeneen qalab casri ah oo lagu dejiyo, laguna raro maraakiibta, kuwaas oo wax weyn ka taray shaqadii dekedda. “Shaki nagagama jiro in halkan [Berbera] iyo dhul aad u balaadhan uu isbedel badani ka muuqan doono sanadaha soo socda.” Sidaas waxa yidhi agaasimaha fulinta ee dekedda Berbera ee shirkadda DP world Mr. Supachai Wattanaveerachai.

DP world, waxay sheegtay in balaadhinta iyo casriyaynta dekedda Berbera ay qayb ka tahay istaraatajiyad la doonayo in lagu hanto gobalka Geeska Afrika iyo meelo kaleba, si gacan looga gaysto ganacsiga iyo kor u kaca dhaqaalaha, sida Itoobiya iyo dalalka kale ee bariga Afrikaba.

Wargeysku wuxuu sheegay in shirkadda DP world ay leedahay shaqaale gaadhaya 2,200 (Laba kun iyo laba boqol), waxaanu ku tilmaamay inay tahay shirkadda ugu shaqaalaysiinta badan Somaliland.

Wargeyska World street journal, wuxuu sheegay in intii ay DP world timid Somaliland uu isbwedel weyni ku yimid qiimihii hantida la kala siisan jiray oo uu sheegay inuu kacay 100%, iyadoo la dhisay dhismayaal badan, hoteelo badan oo gaboobayna dib loo cusboonaysiiyay.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here