Shirkadda DP WORLD oo Iftiimisay Horumarka Ilaa Hadda Lagu Sameeyey Dekedda Berbera

0
1124
Dekadda Berbera

Maamulaha Shirkadda DP WOLRD u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika oo ka hadlay wiishash casri ah oo lagu qalabeeyey Dekedda Berbera + muhiimadda ay u yeelan doonto dhaqaalaha Somaliland.

Berbera,(HargeisaPress)—Shirkadda DP WORLD Berbera, ayaa soo bandhigay wiishash kuwa wareegga ah (Mobile Harbour Cranes) oo ay dhawaan ku soo kordhisay dekedda Berbera, iyadoo sheegtay in wiishashkan casriga ah ay sare u qaadi doonaan adeegyada gaadiidka badda.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay DP WOLRD Berbera shalay oo nuqul ka mid ah soo gaadhay wargeyska Jamhuuriya, kaasoo sidoo kale lagu faahfaahiyey horumarka ilaa hadda laga sameeyey dekedda Berbera iyo wax-tarka ay wiishashkan cusub soo kordhin doonaan, waxaannu warsaxaafadeedku u qornaa sidan; “DP World Berbera ayaa mar kale gaadhsiisay guul Somaliland, iyada oo keentay bishan Wiishashka Dekeddaha ee dhaqaaqa oo loo adeegsanayo Dekedda Berbera.

Soo bandhigista wiishashka ayaa ah horumar ballaadhan oo ay samaysay DP World Berbera, maadaama dekeddu ay markii ugu horreysey bixinayso adeegga wiishashka, taas oo wax weyn ka tartay kor-u-qaadidda adeegga gaadiidka badda. Maalgashi dhan $12 milyan oo doollar ayaa lagu bixiyey keenidda saddex wiish oo cusub, si ay u labanlaabanto waxqabadka dekeddu,  iyada oo si muuqata hoos ugu dhigtay waqtiga loo adeego gaadiidka badda, xasilisayna hawlaha dekedda xilliyada maansoonka, isla markaana kor u qaadday nabad-qabka adeegga dekedda.

Mr. Suhail Al Banna oo ah Madaxa Guud iyo Maamulaha DP ee Bariga Dhexe iyo Afrika oo ka hadlay muhiimadda wiishashkan, ayaa yidhi; “Saddexda wiish ee haatan la keenay ayaa door aad u muhiim ah ka qaatay horumarinta dekedda Berbera. Waxa ay u ogolaan doonaan in maraakiib badan loo adeego, si ay ugu dambeynta loo kordhiyo isku-socodka ganacsiga ee dalka iyo gobolkaba.  Inta ay socoto shaqada dhismaha lagu ballaadhinayo dekeddu, waxa markhaati laga noqonayaa isbeddelka ku imanaya awoodda kaabayaasha, taas oo horseedaysa in dadka halkan iyo gobolka Geeska Afrikaba ka faa’iidaystaan. DP World Berbera waxa ay jeexday tub labaad oo lagu gaadhayo suuq caalami ah, taas oo faa’iido u leh dadweynaha Somaliland.”

Maalgelinta wiishashka cusub waa tallaabadii ugu dambaysay ee tallaabooyin lagu horumarinayo Dekedda Berbera. Laga soo bilaabo 2017, DP World Berbera waxa ay soo bandhigtay qalabyo casri ah oo lagu xambaaro kontaynarada, gaadiid iyo habab cusub oo qayb ka noqon doona casriyeynta dekedda taariikhiga ah. Sannadkan 2019,  DP World waxa ay bilawday Nidaamka Hawl-galka Tirminnaalada ee Zodiac, Nidaam Xisaabeedka Oracle, iyo  Nidaamka Maamulka  iyo Maareynta Hantida Ganacsi ee Maximo, si ay u bixiyaan addeegyo dhakhso ah oo habboon oo dhanka khadadka maraakiibta ah.

Shaqaalaha DP World Berbera ayaa tababarka wiishashkan ku soo qaatay magaalada Dubay, taas oo qayb ka ah barnaamijyada lagu horumarinayo hal-abuurka shaqaalaha maxaliga ah oo ilaa haatan la tababaray tirro ka badan 2700 (laba kun iyo toddoba boqol) oo reer Somaliland ah sannadkii 2018,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay DP WORLD Berbera.

Waxa kaloo warsaxaafadeedka lagu soo lifaaqay qoraal macluumaad dheeraad ah ka bixiyey hawlsha shaqo ee ay Shirkadda DP WORLD ka hayso qaaradaha Adduunka, qoraalkaas oo u dhignaa sidan;

“Ku Saabsan DP World

Shirkadda DP World waa hormuudka ganacsiga caalamiga ah iyo qeyb muhiim ah oo ka mid ah silsiladda adeeg-bixinta. Waxaan ka shaqeyneynaa ganacsiyo fara badan oo kala duwan – sida isku xiidhka badda iyo kan gudaha, adeegyada badda, adeegyo hufan oo kale oo la xidhiidha xalka ganacsiga.

Waxaan leenahay nidaam  78 shaqaale badda ah (78 operating marine) iyo terminaalka gudaha ee ay taageerto in ka badan 50 ganacsi oo ka jira in ka badan 40 waddan oo ku yaal lix qaaradood, kuwaas  oo leh muuqaal joogto ah oo la xidhiidha kor-u-qaadka iyo qaan-gaadhnimada suuqyada ganacsi. Waxaan ujeedadiisu tahay in ay noqoto mid lagamamaarmaan u ah mustaqbalka wanaagsan ee ganacsiga caalamiga ah, xaqiijinta wax kasta oo aannu qabanno wuxuu saameyn wanaagsan ku leeyahay dhaqaalaha iyo bulshada.

Kooxdayda dadaalka badan oo ka kooban in ka badan 36,000 (lix iyo soddon kun) oo shaqaale, kanna soo jeeda 103 oo dal, ayaa ku hawlan sidii xidhiidh qoto-dheer loola yeelan lahaa dowladaha, khadadka maraakiibta, kuwa wax soo dejiya iyo kuwa dhoofiya, bulshooyinka iyo qaybo kale oo muhiim ah oo ka mid ah silsiladaha adeeg-bixiyaasha caalamiga ah, si ay u qiime ugu yeelaan, una siiyaan adeegyo tayo leh maanta iyo berrito.

Hagaajinta agabka wax lagu raro waa ganacsiyada muhiimka ah ee shirkadda, waxayna soo saartaa qiyaastii saddex meelood oo dakhli ah. Sannadkii 2018, DP World waxa ay gacanta ku haysay 71.4 milyan TEU (twenty-foot equivalent unit) oo ku dhisan miisaaniyadeena, iyada oo la raacayo mashaariicda horumarineed iyo ballaadhinta, awoodda guud ee 88.2 Milyan oo Shaqaale ah ayaa la filayaa in ay kor u kacdo in ka badan 100 malyuun oo shaqaale ah sannadka 2020, iyada oo loo eegayo baahida suuqa.

Iyaga oo ka fikiraya horumarinta, isbeddelka iyo hal-abuurka cusub, waxaannu dooneynaa in aan abuurno xalka ugu maxsuulka fiican iyo xalalka ganacsi oo ammaan ah, caalamka oo dhan.

Jamhuuriya

LEAVE A REPLY