Shirkadda DP WOLRD oo soo Bandhigtay Mashaariicda Kala Duwan ee ay ka Fuliyeen Somaliland

0
827

Berbera ,(HargeisaPress)—Shirkadda DP WOLRD ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa soo bandhigtay mashaariicda kala duwan ee la xidhiidha dhinacyada adeegyada bulshada ee ay ka fuliyeen dalka Somaliland, gaar ahaan Gobolka Saaxil.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirkadda DP WORLD toddobaadkan, ayaa lagu faahfaahiyey mashaariicda ay hirgelisay iyo sidoo kale faa’iidooyinka ay reer Somaliland ka dhaxli doonaan maalgelinta lagu samaynayo dekedda Berbera, waxaannu warsaxaafadeedku u dhignaa sidan; “Hormoodka Ganacsiga Dunida, DP World, ayaa Isniintii daah-furtay xarun cusub oo qaybinta biyaha ah, taas oo kor loogu qaadayo 60% (lixdan boqolkiiba) adeegga biyaha ee Berbera, Somaliland.

Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan $1 milyan oo doollar wuxuu bilaabmay sannadkii 2018, waxaana ku jira afar ceel-biyood, laba berkedood, laba dar-biyood, taangi sagbad ah oo biyo-kaydiye ah, beeb biyood oo dhererkiisu yahay 7.0 km oo ku xidhiidhsan ilaa kaydka biyaha. Mashruucan, wuxuu ku shaqeeyaa tamarta qoraxda iyo koronto-dhaliyaha, sidoo kale waxaa ka mid ah dhismaha masaajid meel u dhow xarunta qaybinta biyaha.

Waxa loogu talogalay in ay hoos u dhigto biyo-yaraanta Berbera iyo in biyo nadiif ah la siiyo dadka deegaanka iyo bulshada reer miyiga ah. Mashruucan wuxuu ka mid yahay istaraatijiyadda DP World ee joogtaynta horumarka  Somaliland, maadaama korodhka biyaha ee la filayo loo baahnaan doono, iyada oo ay ugu wacan tahay koritaanka Berbera,  taas oo  dardargelinayso maalgashiga DP World ee Dekedda Berbera.

Saddex ceel ayaa lagu wareejiyey Dowladda Hoose ee Berbera, iyada oo ceelka afraad iyo laba berkedoodna oo loo qoondeeyey biyo cabbitaan oo bilaash ah, oo loogu talogalay bulshada deegaanka iyo xoolahoodaba.”

“Tan iyo 2017-kii DP World waxa ay kor u qaaday adeegga Dekedda Berbera 70%, waxayna kordhiyeen awoodda waxqabad ee dekedda 50%. Haatan DP World Berbera waxa ay horumarineysaa hal-abuurka maxaliga ah, waxaana tababar gudaha iyo dibadda ahba siisay in ka badan 2700 (laba kun iyo toddoba boqol) oo qof oo reer Somaliland ah sannadkii 2018.

Suhail Al Banna, Madaxa Guud iyo Maamulaha DP ee Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa sheegay: “Taageerada Berbera waa qayb ka mid ah ballanqaadkeena si aan gacan uga geysanno horumarinta aagagga aan ka shaqeyno, waxaanan kalsooni ku qabnaa in mashruucani uu faa’iidooyin muhiim ah u leeyahay dad badan oo ku baahsan gobolka. Waxaan ku rejo-weynahay in aan wax walba oo aan qabanno ka dhigno mid dadka jooga Somaliland ay ka  dheefaan  faa’iido muddo dheer,  waxaanan ku niyadsamahay in aan si dhaw ula shaqeyno mas’uuliyiinta Somaliland iyo dadka, si loo hagaajiyo tayada nolosha, iyada oo loo marayo kaabayaasha muhiimka ah iyo mashaariicda joogtaynaya horumarka.”

Qorshaha DP World ee Somaliland waxaa ka mid ah kafaala-qaadka 11 dugsi, Akadeemiyadda Waxbarashada Badda, laba cusbitaal iyo xarun caafimaad.  Shirkadda DP World waxa ay 4.5 milyan oo litir oo biyo ah ugu deeqday guddigii taakulaynta abaaraha ee Berbera sannnadkii 2017, si loogu gacan-qabto 15,000 oo qoys,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Shirkadda DP WOLRD.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here