Shirkadda Dahabshiil Group oo Qayb Wayn ka Qaadatay Bandhigga Carwadii 8-aad Ee Somaliland+ SAWIRRO

0
1638

Hargeysa, (HargeisaPress) –Carwadan oo ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa sannadkiiba hal mar laqabta, isla markaana ay kasoo qayb-galaan ganacsatada badeecadaha kala duwan dibadda ka keentay iyo kuwa wershadaha wax soo saar dalka ku leh.

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa si ballaadhan uga qaybqaadatay Carwada ganacsiga oo maanta ka furantay magaalada Hargeysa.  Shirkada Dahabshiil Group ee kala ah Dahabshil Bank, Dahabshiil Xawaala, SOMTEL, Edahab iyo sidoo kale adeegga kobcinta dhaqaalaha ee MicroFinance, kuwaas oo dhammaantood qayb ka ahaa bandhiga ay Carwada ganacsiga .

 

Maantaba intii ay socotay Carwada ganacsiga waxay dadaweyne farabadan oo ku xoonsan goobaha ay shirkadaha Dahashiil Group ka daganyihiin hoolka Bandhigga Cawradaasi kuwaas ii qaadanayey adeeggyada kaladuwan ee ay shirkaddu ku soo bandhigtay madasha carwadaasi sida adeegga E Dahabka iyo internetka xawaaraha dheer ee ay shirkaddu caanka ku tahay  gaar ahaan FLASH-yada 4G ga.

Shirkada Dahabshiil Group oo ah shirkad looga bartay adeegg hufan oo tayo  leh isla markaan ah shirkadda ugu balaadhan ee dalka ka shaqeeeya, shirkadda ayaa madasha Carwada  la arkayay boodhadh waaweyn oo qariyiyey wixii dhamaan calaamadihii madasha yiilay ee shirkadaha xayeysiisku soo dhigteen.

Haddaba qaar ka mida masuuliyiin ka mida  shirkadaha Shirkada Dahabshiil Group ayaa Goobta Carwada ka socotay  kula hadlay saxaafadda HALKAN HOOSE KA DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here