Shirkadda Baabuurta Ee MITSUBISHI Oo Xarun Ka Furanaysa Somaliland

0
2083

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkada samaynta baabuurta caanka ku ah ee MITSUBISHI ee dalka Jaban laga leeyahay,ayaa doonaysa inay xafiisyo ka furtaan dalka Somaliland.

Wefti afar xubnood ah oo uu hogaaminayo Mohamed A. Warsame ayaa wada hadal kula yeeshay Dalka Djibouti Maamulka saree e Shirkadda MITSUBISHI, Weftigan  oo sheegay inay soo booqdeen xafiiska ay shirkadda MITSUBISHI ku leedahay Djibouti.

Mohamed A. Warsame oo ka hadlaya booqashadoodda ayaa sheegay inay Djibouti u tageen wada hadal ay shirkada kula jireen, Shirkadda MITSUBISHI ayaa dhawaan si rasmi ahna u furi doonaan xafiiska Somaliland ee Shirkadda MITSUBISHI.

“weftigayagan ayay, ujeedaddoodu ay ahayd sidii ay uga furan lahaayeen Somaliland Shirkadda MITSUBISHI, waana ku soo dhoweynaynaa dalka” ayuu yidhi Mohamed A. Warsame,

Shirkadda MITSUBISHI oo ah shirkada caalamka laamo ku leh, isla markaana ganacsigeedu balaadhan yahay ayaa laan ka furanaysa somaliland, isla markaana lagu iibin doonaa baabuurta Shirkadda  MITSUBISHI.

Mohamed A. Warsame ayaa tilmaamay inay indho indhaynaya qaabkay uga hirgalin lahaayeen Somaliland Shirkadda baabuurta ee MITSUBISHI, isla markaana kulamo la yeesheen Maamulka Shirkadda baabuurta ee MITSUBISHI ee Dalka Djibouti.

Shirkadda MITSUBISHI ayaan iyadu hore xafiis ugu lahayn Somaliland laakin dhawaan magaaladda Hargeysa laga furi doono, iyadoo baabuurteedana lagu iibin doono Somaliland.

Shirkadaha Maalgashiga Caalimiga Oo Ku Soo Qulqulaya Si Aay U Maalgashadaan Dalka Jamhuuriyada Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here