Shirkadaha Ballore Iyo Dubai World Oo Aan Weli Ku Kala Bixin Dekedda Berbera Iyo Laba Shirkadood Oo Sucuudi Iyo Kuwait Ah Oo Ku Soo Biiray

0
996

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shirkadaha Bollore Group iyo Dubai World ports ee Faransiiska iyo Imaaraadka Carabta laga leeyahay ayaa weli tartan xoog badan ugu jira ku guulaysiga mashruuca maalgashiga dekedda Berbera ee Somaliland, waxaana dib u dhacay heshiis la filayay inay kala saxeexdaan Somaliland iyo Dubai World ports.. Wefti wasiiro ah oo uu horkacayay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka baaqday safar ay 25 April ku tagi lahaayeen wadanka Imaaraadka Carabta halkaas oo ay kula soo kulmi lahaayeen maamulaha guud ee Dubai World ports Maxamed Sharaf oo ay heshiis la soo saxeexan lahaayeen, waxaana weftiga wasiir Xirsi ka mid ahaa wasiirka qorshaynta Sacad Cali Shire, maareeyaha dekedda Berbera Cali Xoor-xoor iyo wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif. Si rasmi ah looma garanayo sababta loo baajiyay weftigaas, waxase ay shirkadda Dubai World ports dedaal ugu jirtaa sidii ay ugu guulaysan lahayd maamulidda dekedda Berbera, waxaanay wada hadalka xukuumadda la bilowday bishii June ee sannadkii 2013.

Geesta kale shirkadda Faransiiska ah ee Bollore Group oo muddo 7 sannadood ah dedaal ugu jirta helitaanka mashruuca maamulidda dekedda Berbera ayaan weli ka hadhin sidii ay u noqon lahayd shirkadda ay Somaliland ku qanacdo.  Somaliland ayaa la sheegay inay bishii February ee sannadkan heshiis is afgarad ah la saxeexatay maamulaha Bollore Group Eric Melet, waxaana la sheegay in heshiiskaas is afgaradka ah oo dhigayay in 1 May 2015 si rasmi ah loo soo gunaanado wada hadalada aanu shaqayn islamarkaana uu u muuqdo inuu saqiiray, mana jiro wax jadwal ah oo ilaa hadda loo dejiyay gunaanadka is afgaradkaas.

Geesta kale, waxa iyaguna tartanka ku soo biiray laba shirkadood oo ah Kuwait Logistics oo laga leeyahay dalka Kuwait iyo Prime Africa oo iyana laga leeyahay wadanka Sucuudiga.

Waxaana la aaminsanyahay in heshiis rasmi ah oo ay xukuumadda Somaliland shirkadahan mid la saxeexato ay hortaaganyihiin kala aragti duwanaansho u dhexeeya xubno wasiiro ah oo uu mid waliba mid ka mid ah shirkadahan wato.

Geesta kale, xisbiyada mucaaradka ayaa xukuumadda si kulul ugu cambaareeyay inay heshiis la gasho shirkadahan, iyagoo sheegay in la xaraashayo dekedda Berbera, halka ay xukuumadu ku dooddo inay maalgashi samaynayso.

 

Geeska


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here