Shirkada Telesom Oo Wacdaro Ka Dhigtay Bandhigga Carwada 8-aad Ee Ganacsiga Somaliland

0
1657

Shirkada Telesom Group Oo Adeegyo Casriya Qiimahood Hooseeyo Munaasibada Carwada Daraadeed Bulshada Usoo Bandhigtay

Hargeysa, (HargeisaPress) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xadhigga ka jaray bandhigga Carwadii siddeedaad ee Somaliland oo laga daah-furay magaalada Hargeysa.

Carwadan oo ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa sannadkiiba hal mar laqabta, isla markaana ay kasoo qayb-galaan ganacsatada badeecadaha kala duwan dibadda ka keentay iyo kuwa wershadaha wax soo saar dalka ku leh, waxaana madaxweynaha kala qaybgalay hoggaanka rugta Ganacsiga, wershadaha iyo Beeraha, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo hoggaanka shirkadaha waaweyn ee dalka ka shaqeeya, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku hayey horumarka ay ganacsatada dalku ku tallaabsadeen iyo baahida loo qabo in mar walba la diyaariyo madal ay ku kulmi karaan ganacsatada iyo macaashoodu.

Haddaba Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta si weyn ugu soo bandhigtay waxqabadkeed madasha bandhigga Carwadii siddeedaad ee Somaliland oo laga daah-furay magaalada Hargeysa.

Telesom oo ah shirkad looga bartay adeegg hufan oo tayo  leh isla markaan ah shirkadda ugu balaadhan ee xagga adeegga telefonnada waxay qayb wayn ka qaadatay madasha bandhiggaasi iyada oo la arkayey boodhan waaweyn oo qariyiyey wixii dhamaan calaamadihii madasha yiilay ee shirkadaha Ganacasigu soo dhigteen.

Dhanka kale waxaa iyana sidoo kale madasha wax qabadkooda ku soo bandhigay qaybaha kale ee Telesom Group sida Salaam Bank iyo SOMGAS oo ah shirkadii ugu horeysay ee dalka keentay qalabka Gaaska cuntada lagu kariyo kaas oo waxbadan ka taray dhaqaalihii qoyska iyo ilaalinta dhirtii la goynayey ee dhuxusha laga sameyn jiray.

Hadaba masuuliyiintii ka hadashay munaasibadda xafladda furitaankii bandhigga carwadaasi waxaa ka mid ahaa  Abdiwahab Maax oo ah Agaasimaha xidhiidhka guud iyo horumarinta bulshada  waxaanu ka warramay kaalinta shirkadda Telesom,

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA CARWADA 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here