Shirkada Ganacsiga Ee Waaberi Group Oo 60 Kamida Macaamiisheeda Abaal-marino Iskugu Jira Baabuur iyo Agab Casriya Hargeysa Ku Gudoonsiisay

0
876

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkada Ganacsiga Ee Waaberi Group ayaa 60 Kamida Macaamiisheeda Somaliland gudoonsiisay, Abaal-marino qaaliya oo iskugu Jira Baabuur iyo Agab Casriya,

Munaasibad bilan oo masuuliyiinta sare ee shirkada Waaberi Group macaamiishoodu ku gudoonsiinayeen, Abaalmarinahan oo ka qabsoontay Maansoor Hotel Hargeysa ayaa waxa ugu horayn madasha hadalo dhiirigalin iyo mahadnaq ah macaamiisha usoo jeediyey, Maareeyaha Guud ee Shirkada Waaberi Group Md. Maxamed Axmed Xaaji Xasan, isagoo isla markaasina ku dheeraaday qiimaha iyo muga ka shirkad ahaan ay ugu fadhiyaan macaamiishoodu, Isagoo isla markaasina soo bandhigay sida ay diyaarka ugu yihiin inay wax ku celiyaan macaamiishooda .

Maareeyaha Guud ee Shirkada Waaberi Group Md. Maxamed Axmed Xaaji Xasan oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi” Diyaar waxa aanu u nahay inaynu wax wada qabno , Soomaalidu waxa ay ku maahmaadaa aynu wax wada qabno waa aad,Markaa Shirkada Waaberi Group waxa ay wax ku celinaysaa oo ay abaalmarin siinaysaa 60-kii ugu horeeyey ee  macaamiisha shirkada oo ka kala socda Burco, Berbera iyo Hargeysa oo ah lixdan jaa’isadood oo kala jaad jaad ah”

Maareeyaha Guud ee Shirkada Waaberi Group Md. Maxamed Axmed Xaaji Xasan oo ka hadlaayey qorshahood daryeel ee macaamiishooda gaarka ah ayaa waxa uu yidhi” Markaa waxa aanu ugu talogalnay macaamiisha inaanu is waji barano iyo inaanu fadhi iskugu nimaadno iyo inaanu wax ku celino oo aanu tusno inaanu diyaar u nahay inaanu wax wada cuno ,Markaa diyaar baanu u nahay ka shirkad ahaan in macaamiishayda aanu wax ku celino oo ay wax nala cunaan

Dhinaca kale waxa madasha ka hadlay masuuliyiin doora oo ka tirsan shirkada Waaberi Group oo dhamaantood si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey Abaalmarintan ay gudoonsiinayeen macaamiishooda.

Dhanka kale waxa iyaguna madasha ka dareen celiyey xubno kamida macaamiishii shirkada Waaberi Group jaa’isadaha gudoonsiinaysay, iyagoo isla markaasina soo bandhigay sida muga leh ee ay ugu faraxsan yihiin abaalmarintan, iyagoo isla markaasina ka marag kacay in shirkada Waaberi Group ay dariiq cusub u furtay shirkadaha ganacsiga ee dalka.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY