Shirkada Dahabshiil Waa Shirkad Ganacsi oo Ku Amaanan Shaqaday u Hayso Bulshada

0
1268

Indhawaydba waxaan Ku Arkayay Social Media-ha iyo Mareegaha Dahir Calasow isagoo Naadinaya Dacwad ka Dhan ah Shirkada Dahabshiil oo uu ku eedaynayo Dilkii Saado Cali inay shirkada Dahabshiil ka Danbaysay.

 

Waxaa yaab Mudan oo iga Fajiciyay Shacabka Somaliland ee Maalinba Mid ka Mida Ganacsatadooda uu Dahir Calasow Burush Xaarle la daba Joogsado kaasoo ku eg Ganacsatada Somaliland.

 

Caalamka Reer Galbeedku Waxay ku Doodaan inay yihiin Qaar Cadaalada ku Dhaqma laakiin Cadaalada waxaa iska Leh Dunida islaamka Kuwaasaanuu ilaahay ugu Talo galay inay ku Xukumaan dhexdooda cadaalad iyo Xaqa laakiin Dahir Calasow wuxuu moogan yahay inay Shacabka Soomaaliyeed Dhamaantood ogyihiin waxa uu ku Hawlan yahay iyo inuu ummada soomaaliyeed doonayo inuu ku Rakaateeyo fadeexado uu samaysto iyo wanjalaado uu u maleego dadka muslimiinta.

 

Dahir waxa uu had iyo goor ku tilmaamaa cid walba oo uu Doonayo inuu Blackmailing ku sameeyo haddba wixii uu Jecelyahay Berya dhawayd wuxuu Toosh daba qaatay Wiil la yidhaahdo Max’ed Cajiib isagoo ku tilmaamaya inuu Fidiyo Diinta Masiixiga Ogow Akhristow Dahir isagu ciduu u Adeego ee uu daba dhilifka u yahay waa Dawladaha Kiristaanka ah waana Ninka Had iyo goor ku andacooda inuu Cid walba kaga Adag yahay wadanka uu Joogo ee Holand.

 

Haddaba waxaan ku Guubaabin lahaa Bulshada Reer Somaliland inay Meel uga soo wada Jeestaan Ninkan Budhcad Saxaafadeedka ah ee ku Hawlan Qaybinta iyo Propaganda-da Reeraha walaalaha ah ee Degan Somaliland isagoo u adeegsada Magacyada Qabaailka inay kala Duwan yihiin midna garabka saara midna Cay u Miisa inta wax ma garatada ah iyo dadka aan sida fiican u Fekerin ayuu ku Mulkiyaa Sida Qaar Badan oo Sheegta inay Yihiin Saxaafiyiin laakiin ku Fashilmay Mihnada Saxaafada una Fahmay in ay Dadkooda iyo Dalkooda kula Dagaalamaan.

 

Waxaan ka War Helay Dhalinyaro Mustaqbal wanaagsan ku Lahaa Saxaafada Somaliland oo hadda u Baqoolay Somaliya kuna Tiraaba inay Somaliland tahay Meel Been lagu Maaweeliyo Dhalinyaradaas oo Hadda Ka Hor uu Shaaciyay Dahir Calasow inay yihiin Wakiiladooda Gobolada Waqooyi ee Somaliya iyagoo Raali ku ahaa Cadawna looga Dhigay Dalkooda iyo Dadkooda iyadoo ilaa hadda wakhti Xaadirkan Amaankooda iyo Noloshoodaba ay u Cabsi Qabaan Waalidkii Dhalay Dhalinyaradaas.

 

Waxaa Nasiib Daro ah oo aan marnaba indhaha laga Qabsan Karin Dahir Calasow Cadaawaduu u hayo Dalka Somaliland iyo Dadkiisa iyo Mooganaanta Shacabkayga iyo Dadkayga waxaanuu ku Faanaa inuu Ka Danbeeyay Qorshihii albaabada loogu laabay Shirkadii QARAN EXPRESS oo ahayd shirkad laga leeyahay Somaliland, waxaa kale oo Jirtay inuu Daba Dhigtay Shirkadii Duulimaadyada ee DAALO AIRLINES Iminka wakhti Xaadirkana uu Daba dhigtay Shirkada Dahabshiil oo Ah Shirkada ugu Weyn ee Lacagaha Xawisha ee Afrika laga Leeyahay taasoo Aanay u Quudhaynin inay ka soo Jeedo Somaliland ka dib Markii Reer galbeedku Albaabada u Laabeen Shirkadii Al-Barakaat.

 

Waxay Tahay Nasiib Darada Labaad inay Dad Reer Somaliland ah oo aan garanayn Dahir Calasow Cida uu Yahay Laga Duubay Video kuwasoo ku Sugnaa Burco iyo Ceerigaabo looguna sheegay Dahir Calasow inuu Yahay Muwaadin Saxaafiya oo Somaliland ka soo jeeda oo ay Xukuumada Siilaanyo Cunaqabataysay kuwaasoo ku Hadaaqaya Xukuumadu faraha ha kala baxdo arimaha Calasow Yaab!!!!!

 

Dadka Missions-kaa Fulinaya waa Dad ku Bedeshay dalkoodii, Damiirkoodii, iyo Dadkoodiiba Shilimaad Lacaga oo uu Siiyo Dahir Calasow.

 

Waxaanu Kulanay Nin Saxaafiya oo Wax ka Qoray Dahir Calasow wuxuu u soo diray Email uu leeyahay maxaa adiga kaa galay Dahabshiil waxaa Tahay Nin Habaryoonisa Goorma ayuu Halkaa la gaadhay Dadkayga, oo uu Habro u Qaybiyay waana meesha cadawgu uga soo dhaco Shacabka Somaliland gaar ahaan Beesha dhexe ee Somaliland.

 

Waxaan Qoraalkaygan Maanta ku Koobayaa Gabay Nin aanu Sxbo Nahay Tiriyay oo Guubaabo u ah Shacabka iyo Dadka Reer Somaliland.

 

Mohamed Farah Samatar

mofarah.samatar@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here