Shirkada Adeega Internet-ka Fiber Optic-ga Ee So!Sogasho Oo Shacabka Somaliland Ku Hambalyeysay Munaasibada Ciidal Fidriga

0
1161
Shirkadda SO! Sogasho (Powered by Somcable)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkadda SO! Sogasho (Powered by Somcable) ee dalka keentay internet-ka casriga ah isla markaana xawaariiisu sareeyo ee fiber Optic-ga ayaa guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaan  Shacabka Somaliland ba u soo dirtay hambalyo ku aadan Munaasibada Ciidal-fidriga ee sanadka 1438 oo ayaanta axada dunida islaamka oo dhan laga ciidi doono.

Dhambaalkaa hambalyada ah oo ay shirkadda SO! Sogasho (Powered by Somcable) ay saxaafada soo gaadhsiisay ayaa waxa uu dhignaa sidan:

 “KULI CAAM WA ANTUM BI KAYR”

Shirkadda SO! Sogasho (Powered by Somcable) waxay hambalyo iyo boogaadin u diraysaa dhamaan umadda islaamka ee ku nool daafaha dunida gaar ahaan shacbiga Somaliland munaasibada Ciidal-fidriga ee sanadka 1438 awgeed.

Waxaanay Shirkadu alle uga baryaysaa dhamaan umadda Muslimiinta ah inuu Alle (SWT) inaga aqbalo Acmaashii saalaxa ahayd ee aynu gudanay bisha Ramadaan, isla markaana uu Ciida-ciiddeeda inagu gaadhsiiyo Bash-bash Barwaaqo iyo horumar. Shirkaddu waxa kale oo ay hambalyo gaar ah u diraysaa Macaamiisheeda qaaliga ah ee isticmaala adeegyadu shirkadu bixiso taas oo ay shirkadu leedahay ku Ciidda Caafimaad qab iyo farxad.

Wa Bilaahi Tawfiiq

 Xamse Gaaxnuug Caydiid

Madaxa Suuq Geynta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha ee Shirkada SO! Ltd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here