Shirka Mareykanka iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika oo Maalintii labaad Si Toosa Uga Socda Washington

0
1074

U.S.-Africa Leaders SummitWashington,(HargeisaPress) — Shirka hoggaamiyeyaasha waddamada Afrika iyo dowladda Mareykanka ee ka socda Washington ayaa maalintiisii labaad galay.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyay oo looga hadlo horumarinta Afrika iyo iskaashiga ay la leeyihiin Maraykanka ayaa waxaa ka qaybgalaya in ka badan 50-hoggaamiye oo Afrikaan ah, iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka yihiin maal-qabeenno Mareykan ah.

Shirka oo uu marti-gelinayo Barack Obama ayaa loogu talo-galay in lagu kordhiyo xiriirka u dhexeeya Afrika iyo Mareykanka, waxaana shirka diiradda lagu saarayaa ganacsiga, dhaqaalaha, ammaanka iyo horumarinta dimuqraadiyadda Afrika.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galaya shirka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka mid tahay dalal dhanka dhaqaalaha ka taageera Soomaaliya, iyadaoo ujeeddada shirku uu yahay horumarinta iyo taageeridda jiilka dambe.

Xukuumadda Washington ayaa ugu yaboohday Afrika lacag dhan hal bilyan oo doollarka Mareykanka si wax looga qabto dhaqaalaha, adkeynta ammaanka iyo arrimo kale.

Madaxweynayaasha dalalka Suudaan, Zimbabwe, Eritrea iyo Afrikada Dhexe ayaa ka mid ah madaxda shirkaan aan lagu casuumin, iyadoo Zimbabwe ay ku sheegtay shirka mid aan macno lahayn.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here