Shirka Dawladaha Hoose Ee Somaliland Oo Ka Furmay Laascaanood

0
839

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Shirweynaha ururka dawladda hoose ee Somaliland ayaa ka maanta qabsoomay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaana shirkan oo lagaga arrinsanayay wax-qabadka iyo horumarinta degmooyinka dalka iyo dawladda hoose ayaa waxaa ka soo qayb-galay gudoomiyaha gobolka Sool.

Agaasimaha urrurka dawladda hoose Maxamed Cabdi Xaashi ayaa sharraxay ujeedada shirkani waxaanu yidhi “Dhab ahaantii ujeedada aanu halkan u nimid waxaa ay tahay in degmooyinkan hada aan soo sheegay ay ka mid noqdaan urrurka, fahansiinana faa’iidooyinka urrrurka uu leeyahay wixii dhib iyo dheef uu leeyahayna ka mid noqdaan”.

Duqa degmadda Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaa maanta farxad weyn ii ah in halkan aanu ku qabano shir ay isugu imanayaan degmooyinkii ugu baalleeyay xaga xuduudka Somaliland oo goobtan hada marti ay inoogu yihiin maayiradii magaalooyinka iyo degmooyinka Dhahar, Laasqoray, Badhan, Taleex, Xudun, iyo Buuhoodle, taasi oo ah markii koowaad ee aan noqoneyna markii ugu danbeysay ee marar badana aanu ku qaban doono”

Gababadii waxaa soo gunaanay kulankani gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxaanu sheegay in ay soo dhaweynayaan kulankan magaalada Laascaanood uga furmay urrurka dawladaha hoose ee dalka.

Waxaanu yidhi “Waanu idinku soo dhaweynaa dhab ahaantii inaad maanta Laascaanood isugu timaadaan kuna shirtaan danihiina kaga hadashaan, wax-qabadka iyo horumarka dawladdaha hoose iyo horumarinta degmooyinka inaad kaga hadashaan aad iyo aad ayaan u soo dhaweynaynaa.”

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here