Shirguddoonka Guurtida Oo Shaqadii Ka Joojiyay Suldaan Ismaaciil Oo Ka Mid Ahaa Salaadiintii Boqor Buurmadoow Ku Weheliyay Safarkii Puntland

0
1130
Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan

Hargeysa,(HargeisaPress) —Shirguddoonka golaha guurtida ayaa sheegay inay shaqo joojin ku sameeyeen xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan cabdiraxmaan oo ka mid ahaa xubno reer Somaliland ah oo dhawaan deegaanka Puntland kaga qayb galay madax dhaqameed lagu caleemo saaray.

Guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida Siciid Jaamac Cali ayaa sheegay in, inta go’aan laga soo saarayo in shaqada golaha guurtida laga joojiyay xildhibaankan suldaanka ah, waxaanu isaga oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi “Way jirtaa xildhibaan Ismaacil oo hadana suldaanada ka mid ah inuu ka mid ahaa waftigii tagay meeshii lagu caleemo saarayay beeldaajiyaha, markaas hadaladii meesha ka dhacay ee ay ka jeediyeen madax dhaqameedkeenu waa la’la socday xoogaana xiisad siyaasadeed ayay yara keentay, anagana xildhibaankayaga ayaa naga qusaynaayay, anagu hadaanu nahay shir gudoonka inta wax laga gaadhayo inuu golaha dibada ka joogo, suldaanka ma odhanayno waa la ciqaabayaa mana odhanayno ciqaab ma laha laakiin dibada ayuu ka joogayaa  in muddo ah.”

Xildhibaankan Suldaanka ah ayaa ka mid ahaa salaadiin reer Somaliland ah oo beeldaajiye Puntland lagu caleemo saaray xafladiisii ka qaybgalay, boqor Buur Madow oo kooxdan ka mid ahaa ayaana xukuumadu xidhay, balse waxa lagu sii daayay damiin.

LEAVE A REPLY