Shir Wada-Tashi Oo Ay Iskugu Imanayaan Mujaahidiintii SNM Oo Qaban-Qaabadiisu Dalka Ka Socoto

0
773

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxa socota qaban-qaabada shir ay mujaahidiinta SNM iskugu imanayaan oo sida la sheegay ay kaga wada-tashan doonaan dilalka soo noqnoqanaya ee ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo caadaysatay inay la beegsato maatidii ururkaasi iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland-ba.

Inkastoo aan wali rasmi ah loo shaacinin goorta iyo goobta lagu qabandoono shirkaas ayaa hadana waxa bilaabmay qaban-qaabadiisii, taas oo laga dareemay qaar ka mid ah magaalooyinka dalka. Siday qaar ka mid ah qaban-qabiyaashu HargeisaPress u sheegeen ka qaybgalka shirkan ayaa ku koobnaan doonaa mujaahidiintii kasoo qaybqaatay halgankii dib u xoraynta dalka, balse aanay ka mid noqon doonin kuwooda ku kala jira saddexda xisbi-siyaasadeed ee wakhtigan xaadirka ah wadanka ka dhisan.

Intii ay xukuumadda Siilaanyo talada dalka la wareegtay badhtamihii sanadkii 2010-kii ayaa waxa dalka ka dhacay dilal iyo tacadiyo soo noqnoqonayey oo ay ciidamadda bilayska ee loo yaqaano RRU-du u gaysteen dad shicib ah oo aan hubaysnayn, taas oo ka dhacday meelo kala duwan oo ka mid ah Somaliland, iyadoo ay arrintaasi waliba si gaar ah u saamaysay qoysas mujaahidiin ah oo tabaalaysan oo inta guryahooda lagu weeraray la gaadhsiiyey khasaare dhaawac iyo dhimasho iskugu jira, halka kuwa kalena la barakiciyey.

Dhinaca kale xad-gudubyada ay ciidanka RRU-du caadaysteen ee aan ciddina kula xisaabtamin ayaa waxay dadka badankiisu aaminsan yihiin in madaxda xukuumadu kaga raali yihiin oo uu yahay qorshe lagu cabsi-galinayo bulshadda rayidka ah ee dalka.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here