Shir Madaxeedkii Midowga Afrika Oo Ka Furmay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya + SAWIRRO

0
859

Addis-Ababa , (HargeisaPress) — Shirka Sanadlaha ah ee Ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah maanta uga furmay xaruntiisa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya; iyadoo qodobada horyaalla ay ka mid yihiin colaadaha ka aloosan qaar dalalka Qaarada Afrika iyo Arrimaha Bani’aadamnimada.

 

Kulankan ayaa waxaa Rasmi ahaan u furay Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, kaasoo banneynaya xilka madaxa ururka ee Qaaradda Afrika.

 

Furitaanka Shirka ayaa waxaa hadashay, Guddoomiyaha guddiga sare ee ururka Midowga Afrika, Dr. Dlamini Zuma oo u Tacsiyeysay Askartii Nabad-ilaalinta ee Afrika oo dhigtay iyagoo shaqo ku jira.

 

Sidoo kale, Dlamini Zuma ayaa soo dhaweysay Hoggaamiyeyaasha cusub ee Waddamada Qaaradda Afrika sida madaxweynaha Tanzania, Magafuli oo xilkaas loo doortay dhawaan.

European Union (EU) and African leaders take part in a group photo during the Valletta Summit on Migration in Valletta, Malta, November 11, 2015.
European Union (EU) and African leaders take part in a group photo during the Valletta Summit on Migration in Valletta, Malta, November 11, 2015.

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki Moon ayaa khudbaddiisii ugu Dambeysay ayaa shirkaan ka jeediyay; isagoo ku boorriyay Madaxda Qaaradda Afrika inay ka shaqeeyaan sidii ay u gaarsiin lahaayeen Qaaradda horumar dhan walba ah.

 

Ban Ki-Moon oo ka hadlay xaalada guud ee Somalia ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], kuwaasoo uu xusay inay howsha ugu weyn ee ay hayaan ay tahay sidii Soomaaliya ay ugu soo celin lahaayeen xasillooni & Nabad waarta.

 

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in lagu soo oogay dacwadda Madaxweynihii hore ee Wadanka Jaad, Xuseen Habre ay Tusaale u tahay heerka Xuquuqda Aadanaha ee Qaaradda Afrika.

 

Isagoo dhanka kale uu soo dhaweeyay in xubno ka shaqeeya Xuquuqda Aadanaha loo diro dalka Burundi, iyadoo madaxweynaha dalkaasi aan lasoo hadal-qaadin; lamana oga inuu ka soo qaybgalayo shirka iyo in kale.

 

Ugu dambeyn, Qiyaastii 17-dal oo Afrikaan ah ayaa Sanadkaan doorasho galaya, wuxuuna Ban Ki Moon ugu baaqay madaxda dalalkaas inaysan qalalaase abuurin si waqtiga ay xilka hayaan u kororsadaan.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, Shirkan ayaa waxaa ka Qayb-galaya madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay gaaray Magaalada Addis Ababa, iyadoo shirkaan ay barbar socon doonaan laba shir oo looga hadlayo Arrimaha Somalia iyo Ciidamada AMISOM ee ka Hawl-galaya Somalia.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here