Shir looga hadlayo Argagaxisada Qaarada Afrika oo ka furmay Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya + SAWIRRO

0
841
Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya waxaa ka furmay shir
Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya waxaa ka furmay shir

Nairobi,(HargeisaPress) — Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa waxaa ka furmay shir looga hadlayo argagaxisada oo ay uu soo qaban-qaabiyay golaha ammaanka iyo nabadgalyada ururka Midowga Afrika.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya lix madaxweyne oo Afrikaan ah, kuwaas oo kala ah; madaxweynayaasha dalalka; Chad, Niger, Nigeria, Tanzania, Soomaaliya iyo Uganda. Iyadoo wufuudda ka socda dalalka Namibia iyo Al-jeeriya ay hoggaaminayaan ra’iisul wasaarayaasha labadaas dal, halka dalka Burundi uu wafdiga uga qaybgalaya shirkan hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka dalkaas.

Ammaanka magaalada Nairobi ayaa si aad ah loo adkeeyay, gaar ahaan halka uu ka socdo shirka. Iyadoo hoggaamiyeyaasha Afrika ay shirkoodan uga doodayaan argagaxisda kusii xoogeysanaysa Qaaradda Afrika.

Kulankan ayay madaxdu si gaar ah diiradda ugu saarayaan arrimaha dalalka ka hooseeya saxaaraha, dalalka Bariga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya, Kenya iyo Djibouti iyo weliba colaadda ka taagan dalka Afrikada Dhexe.

Madaxa dalalka Afrika ayaa lagu wadaa inay shirkan ku gaaraan heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dalalka Afrika si looga hortago argagaxisada colaadda kawadda qaar ka mid ah dalalka Qaaradda.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu raadinayaa wadiiqooyin dadaallada ay Afirka ugu jirto la dagaalanka iyo ka hortagga argagaxisada ay beesha caalamku uga taageeri lahayd si ay dagaalka calaamiga ah ee argagaxisada uga qayb-qaataan.

Kulanka oo hal maalin ah ayaa la reynayaa in madaxdu ay heshiisyo gaaraan inta uu kulanku socdo, kuwaasoo ay ka mid yihiin inay go’aamiyaan hannaan sare loogu qaadayo in golaha ammaanka uu qaato qaraar lagula dagaalamo argagaxisada kaasoo ah heer goboleed iyo heer caalami.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo kooxaha loogu yeero argagaxisada ay kusoo xoogeysanayaan Qaaradda Afrika iyo iyadoo uu sannadihii dambe amniga Kenya ahaa mid walaac xooggan uu caalamku ka muujinayay.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY