Shir looga hadlayay ka hortagga xadgudubyada Kufsiga oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Johannesburg + SAWIRRO

0
1055

Muqdisho, (HargeisaPress) — Shir looga hadlayay xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka sida kufsiga ee lagu eedeeyey ciidamada AMISOM ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo shirkan ay ka qayb-galeen xubno ka socda dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socda Midowga Afrika iyo caalmaka.

COP8489

Shirka oo socday muddo saddex maalmood ah xubnihii ka qayb-galay waxay culeyska saarayeen mas’uuliyiinta ciidamada AMISOM, waxaana xubnihii ka hadlay ka mid ah madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo isagoo ku sheegay hadalka uu jeediyay inuusan jirin askari xun, balse uu jiro taliye xun.

Qareen u dhashay dalka Nigeria, Charles A. Adeogun-Phillips horayna u soo noqday dacwad-oogihii maxkamaddii loo saaray baarista xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda oo isna shirk aka hadlay ayaa sheegay in dadka Afrikaanka ah ay dhaqan ahaan aad ugu adagtay in ay si furan uga hadlaan kufsiga, ayadoo haween badan ay qarsaan kufsiga.

COP8526

Dr. Cumar Cabdulle Calasow oo ah la taliyaha AMISOM & QM ee dhanka xuquuqul insaanka iyo qawaaniinta caalimiga ee dagaalka ayaa warbixin uu halkaas ka soo jeediyey ku sheegay in kufsigu uu yahay xad-gudub isla markaana ay tahay in la maxkamadeeyo kuwa gala fal-dambeydkaas lana abuuro xafiis ka madax-bannaan AMISOM maadaama uusan jirin xafiis loo gudbiyo dacwooyin la xiriira kufsiga.

“Haddii qof dumar ah la kugsido, ma jirto meel ay u dacwooto oo ka madax-bannaan AMISOM”

Madaxa Hiiraan Online, Axmed X. Cilmi Guure oo isaguna shirka hadlay ayaa sheegay in AMISOM iyo warbaahinta dalka aysan ka dhexeyn wada-shaqeyn toos ah, isagoo tusaale u soo qaatay in markii warbixintii Human Rights Watch (HRW) ay soo baxday in aysan AMISOM si aan cadayn oo kala duwan uga kala hadashay loona baahanyahay in AMISOM ay xiriir la sameyso warbaahinta Soomaaliya.

COP8616

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya iyo Madaxa AMISOM, danjire Maman Sambo Sidikou oo isna ka hadlay gaba-gabadii shirka ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in askari ka tarisan AMISOM uu falal xun kula kaco shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in eedeynta kufsia ah ee AMISOM loo soo jeediyey ay baaritaan dhab-ah ku samayn doonaan isla markaana ay tilaabta ku haboon ka qaadi doonoon kuwa ka mas’uulka ah fal-dambeyeedkaaas.

Ergaygu wuxuu sheegay in ururka Midowga Afrika uu guddi heer sare ah u saaray baaritaanka eedeymaha kufsiga ku saabsan ee ciidamada AMISOM ay u geysteen haweenka Soomaaliyeed, lagana war-dhowrayo baaritaankaas.

Ugu dambeyn, waxaa shirka soo xiray, wasiiru dowlaha wasaaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo hadalkiisa ku furay in hal daqiiqad loo istaago askaritii AMISOM ee ku dhintay dagaalladii lala galay Al-shabaab, wuxuuna sheegay mar uu ka hadlayay eedeymaha ku saabsan kufsiga ay askarta AMISOM geysteen in dowladdu ay guddi baara u saartay, ayna tahay in talaab laga qaado kuwa geysta falalkaas balse aysan arinkaas mugdi gelin doonin howl-galaadda ciidamada AMISOM iyo ciidanka xooga dalka.

COP8997

Shukriyo Diini oo ka socotay hay’ad u doodda xuquuqda haweenka Somalia oo iyaduna ka hadashay hibaatooyinka uu kufsigu u geysto haweenka iyo saameynta ay ku yeeshaan shacabka Soomaaliyeed, iyado xustay in kufsiga uu yahay arrin xasaasi ah oo ay dhici karto inaysan sheegin gabadhu dhibaatada loo geystay.

Dhanka kale, shirka waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno reer Jabuuti ah oo Koonfur Afrika u joogay ka qaybgalka shirka Baarlamaanka Afrika, balse nasiib u yeeshay inay shirkan goobjoog ka noqdaan maadaama ay ciidammo Jabuutiyaan ah qayb ka yihiin kuwa AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Amsiom

Waxaa kaloo joogay shirka xildhibaanad, Sacdiyo Careys Ciise oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana shirka laga soo saaray qodobbo dhowr ah oo taabanayay ka hortagga kufsiga.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY