Shir Lagu Qiimaynayo Manhajka Waxbarashadda Somaliland Oo Hargaysa Ka Furmay

0
699

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Cismaan Jaamac Aadan, ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay shir ku saabsan dib-u-eegis lagu samaynayo manhajka waxbarashadda Somaliland.

Shirkani waxaa ka qayb qaadanaya macalimiinta dugsiyadda sare iyo dhexe ee dalka, kuwaasoo ka kala socda dugsiyadda gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladda.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb  galay wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda, agaasimaha waaxda manaahiijta Somaliland iyo macalimiinta dib-u-eegista ku samaynaya manhajka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Cismaan Jaamac Aadan, oo furitaanka kulankaasi ka hadlay ayaa ka waramay dedaaladda ay ka wasaarad ahaan ugu jiraan sidii loo tayayna lahaa manhajka waxbarashadda dalka oo ah Udub dhexaad waxbarashadda.

Waxaanu macalimiinta dib-u-eegista ku samaynaysa buugaagtaasi kula dar-daarmay in qiimaynta ay sameeyaan ay noqoto mid loo aayo oo raad wanaagsan reebta.

Cisman Jaamac Aadan, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Marka u horaysa idinka oo macalimiintii ah ayuu idinka bilaabmaa manhajku, marka labaadna macalimiinta dhigaysa ayuu ku danbeeyaa.

Labadaasi markay is kaashadaan maxsuulka ka soo baxaa waa ardayga. Dib-u-eegistan waa in aad sal uga dhigtaan in ardayga baranaya ay wax badan tarto, ay u diyaariso heerka danbe ee uu u gudbayo ama uu gaadhayo in ay wax weyn ka tarto, oo isagoo u diyaara wixii danbe uu gaadhayo.

Ku tallo-galla dib-u-habaynta aad maadooyinka ku samaynaysaan waa in ay noqdaan qaar raad wanaagsan reeba, oo ardaygu wax ku barto”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda Axmed Abokor Cismaan, oo isna furitaanka shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay qorshaha ay wasaaraddu ka leedahay iyo dar-dar gelin lagu samaynayo manhajka dalka.

“Manhajka marka laga hadlayo waa waxyaabaha Tiirarka u ah waxbarashadda iyo qaranimadda saamaynta weyn ku leh ayay ka mid tahay. Wuxuu soo saarayaa manhajku mustaqbalka ubadkeena iyo dadku siday u ekaan doonaan iyo siday u fikiri doonaan iyo siday u dhaqmi doonaanba, manhajka ayaa laga helayaa.

Markaa manhajkeenu waxaa loo baahan yahay in uu noqdo mid tayo leh, waxaa loo baahan yahay in uu noqdo mid la jaan-qaadaya dunidan maanta casriga ah ee lagu nool yahay”ayuu yidhi Axmed Abokor.

Axmed Abokor, ayaa sidoo kale macalimiinta kula dar-daarmay in ay ilaaliyaan tusaaleyaasha ay adeegsanayaan, isla markaana ay noqdaan waa in ay tusaaleyaal cad-cad oo dhaqaneena waafaqsan.

Waxaanu yidhi “Maanta waxa dib loo eegayaa waa buugaagta fasaladda 3aad ee dugsiga sare iyo fasalka 7aad ee hoose dhexe buugaagtoodda. Waxyaabaha ka soo noqonaya macalimiinta iyo dadka buugaagta akhriyay, markaa waa in buugaagtana tayadoodu wanaagsanaato, qoraal ahaana hagaagsanaato.

Waana in aynu ilaalino tusaaleyaasha aynu soo qaadanayno, haddii ay tahay Xisaabta, hadday Juquraafi tahay iyo haddii ay Saynis tahay-ba. Iyaguna waa in ay tusaaleyaal cad-cad yihiin, in ay dhaqaneena waafaqsan yihiin, oo aanay wax dhaqanka ka hor imanaya ahayn. Markaa waa in waxyaabahaas aad u eegtaan. Wax qaran oo qurux badani waa in uu ka soo baxaa”.

Geesta kale C/laahi Yaasiin, oo ah agaasimaha waaxda manaahiijta wasaaradda waxbarashadda oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu shirkani leeyahay iyo kaalinta uu ka qaadan doono tayaynta waxbarashadda dalka.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xubnaha shirkan ka qayb gelayaa waa macalimiintii dalka, dugsiyadda dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba way ka socdaa. Mudadda aanu ugu tallogalnay in ay hawsha ku qabtaan waa sodon maalmood.

Waxaanu ugu tallo-galnay in aanu sanad walba hoos u degno hal grade, maanta waa 8aad,  oo sanadka danbe waxaynu gelaynaa 6aadka. Haddii awoodu inoo saamaxdo iyo wakhtigu, oo aynu fasalka 2aad ee dugsiga sare ayaynu u gelaynaa”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here