Shir-gudoonka Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wefti Ka Socday Midawga Yurub

0
1109

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley  wefti sare oo ka socdey ururka midowga Yurub oo booqasho dalka ku yimid.

Kulankan oo muddo socday ayaa waxaa si mug iyo miisaan leh labada dhinac ugu lafo-gureen arimaha qabsoomida doorashooyinka golaha wakiilada iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha doorashada ku gadaamen oo ay ugu horeeyaan shuruucda Muhiimka u ah  qabsoomida doorashooyinka.

Iyadoo  labada dhinac  aad uga doodeen sidii ka gole wakiilo ahaan ay doorkooda qayb libaax uga qaadan lahaayeen   dhameystirka wixii kaga soo aadan.

Xubnaha ka socdey EU ayaa waxey  Gudoomiyaha ka balan qaaadeen inay diyaar u yihiin inay kala shaqeyndoonaan golaha wixii taakulo ah ee ay uga baahdaan dhinacooda, balse ay doonayaan inay golahana ka arkaan inay ka go’antahay inay dhinacooda hawshaas ka  qabtaan.

Waxaaa uu gudomiye baashe weftiga u sheegay una cadeeyey inay diyaar u yihiin wixii golaha ku xidhan inay qabanayaan,  waxa kale oo uu iftiimiyey caqabadaha kale ee doorashada qabsoomideeda ku xeeran ee golaha aan Ku xidhnayn  sida saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada oo dadweynaha reer somaliland aanay isku wada raacsnayn tirada maanta lagu fadhiyo.

Waxaa  kaloo iyana qabyo ah  arrimo farsamo oo ka dhiman komishanka doorashooyinka qaranka  sidii ay sheegeen maalintii dhaweyd, sidoo kale Xisbiyada Mucaaradka ah gaar ahaan  xisbiga mucaaradka ee waddani oo dhiniciisa ka diidan xubnaha fadhiya komishanka Saamigooda iyo kalsoonida ay ku qabaanba ayaa iyaduna noqonaysa carqalad kale  oo dhaqaaq joojisey qabsoomida doorashoyinka Balse ka gole ahaan anagu diyaarbaanu unahay qabsoomida doorashada iyo inaan gogasha u xaadhno markastana ka shaqayno buu yidhi gudoomiyuhu sidii ay doorashdu u hirgelli lahayd.

Ugu danbayn shirkan oo saaacdo baadan socdy wuxuu ku dhamaadey is afgarad iyo isfahan dhexmarey labadana dhinac.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland

LEAVE A REPLY